4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiirrka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo  guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda  iyo kuwa cidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyaga oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti oo lagu sii diyaariyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Mas'uuliyiinta oo u soo taalaabay gudaha magaalada ayaa la kulmay soo dhaweyn heerkeedu sareeyo, iyadoo hareeraha wadada dheer ee isku xirta garoonka iyo magaalada isugu soo baxeen dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada oo soo dhaweeynayay wafdiga ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta kadib ayaa kulan gaar ah oo ay wada qaateen wafdiga iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan waxaa ay uga warbixiyeen ujeedada socdaalkooda magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Cabdi Faarax Laqanyo oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in todobaadyadii ugu danbeeyay uu safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ay kulamo kala duwan yeesheen mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlleen xaalada gobolka, waana tan keentay ayuu yiri in wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga soo gaaraan magaalada Baladweyne.

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo hadalka qaatay ayaa cabiray sida uu ugu faraxsan yahay in booqashadii labaad uu ku soo gaaro magaalada Baladweyne, waxaana uu siweyn u amaanay shacabka ku dhaqan magaalada oo sida uu sheegay  ah shacab dowladnimada jecel.

''Anniga gaar ahaan faraxad ayeey ii tahay in aan safarkii labaad ku soo gaaray magaalada Baladweyne, waayo sida aad og-tihiin waxaa nagu soo fool leh maalmo qaali ah iyo munasabado waaweyn oo runtii muhiin tahay dhamaanteen in aynu u wada dabaal-dagno, sidaa daraadeed waan ku faraxsannahay in aan maalmahaas kala qeyb-qaato shacabka reer Baladweyne iyo ciidamada Jabuuti,'' ayuu yiri Dayib Dubad Rooble.

Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiiin Xaaji Max'uud Fiqi oo hogaaminayay wafdiga ayaa sheegay in mudo sadax bilood gudaheed uu dib ugu soo laabtay magaalada Baladweyne, isaga oo ku macneeyay ujeedada socdaalkiisa in uu u kuur-galo xaalada ciidamada xoogga dalka ee  ku sugan gobolka dhinaca kalana kala qeyb-qaato maamulka gobollka Hiiraan, shacabka iyo ciidamada Jabuuti xuska maalmaha xorrayada ee nagu soo fool leh.

”Magaalada Baladweyne waa magaalo taariikh leh, magaalo ku weyn marka la eego maalmaha xorriyada ee nagu soo foolka leh, sidaa daraadeed anniga iyo saaxiibada aan wada socno waxaa go'aansanay in aan ku soo qaadano magaalada Baladweyne farxada iyo dabaal-daga munaasabadaha 26 Juun, 27 Juun, 01-da Luulyo,'' ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga.

Wasiirrka ayaa siweyn ugu mahad celiyay saraakiisha ciidamada Jabuuti soo sida uu sheegay kaali weyn ka qaatay dib  u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in ay ka war hayaan tababaro kala duwan oo ay u soo xireen ciidamada iyo in ay jiraan kuwo kale oo waqtiga tababar u socdo.

“Inta aan joogno waan wada sheekeysan doonaa saraakiisha ciidamada maamulka gobolka, si aan ogaado baahiyada dhabta ah ee jira, islamarkaana aan gaarsiiyo dowladda dhexe,'' ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Madaxa ururka hormarinta midowgga  dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buraale Raaxeeye oo wada qaban-qaabada xuska maalaha xorriyada ee nagu soo foolka leh ayaa HOL  sheegay in farax-weyn u tahay ururka midowgga dhalinyarrada gobolka in munaasabada xuska maalmaha xoriyada Soomaaliya iyo Jabuuti kala soo qeyb-gallaan mas'uuliyiin ka socta dowladda federaalka iyo Jabuuti.

“Annaga juhdi weyn ayaan gallinay xuska maalmaha xorriyada, laakiin waxaa niyadeena sare u qaadaya wafdiga maanta na soo gaaray ee uu horkacayo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo aan oran karo ujeedada ugu weyn ee socdaalkooda waa in ay nagala qeyb-galaan munaasabadaha xuska maalmaha xorriyada,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buraale Raaxeeye.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah kooxda Deegaan ee ka dhisan dalka Jabuuti oo uu horkaacyo Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Max'uud C/llaahi Ciise ''Sanagub'

Waxaa lagu wadaa wafdiga in maalmaha soo socda ay sii joogaan magaalada Baladweyne iyaga oo ka qeyb-galli doona fantisyaha iyo munaasabadaha loo dhigaya maalmaha xorriyada Soomaaliya iyo Jabuuti.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya