4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Madaxda Soomaalida oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ku Geeriyooday Dalka Finland

Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa si kala gooni-gooni ah uga tacsiyeeyay geeridii boqor C/llaahi boqor Muuse (King Kong) oo ku geeriyooday shalay dalka Finland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in boqor King Kong uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta Soomaaliyeed.

“Boqorka wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, sidoo kalena wuxuu ahaa mas’uul lasoo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soo maray,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland oo isaguna ka tacsiyeeyay geerida ku timid boqor King Kong ayaa sheegay inuu ahaa mas’uul dadaal weyn u soo galay sidii Puntland ay ku dhisi lahayd, sidoo kalena qayb ka qaatay dib u dhiska deegaannada Puntland, wixii ka dambeeyay burburka.

"Boqor Cabdullaahi, boqor keliya ma ahayn ee siyaasina wuu ahaa, nin wax badan soo qabtay buu ahaa, dowladihii hore qareen buu ka ahaa, intii lasoo qaxayna Puntland dadkii wax ka dhisay ayuu kamid ahaa," ayuu yiri Faroole.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay geerida boqor C/llaahi King Kong ayaa sheegay inuu ahaa ma’suul si weyn looga xusuusto wixii uu ka qabtay dalka, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisii janno siiyo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari ayaa isna ka hadlay ayaa sheegay in boqor C/llaahi uu ahaa shakhsi karti leh oo inta badan ku dadaali jiray nabadeynta Soomaaliya, isagoo sheegay inuu si aad ah ugu xusuusto doorkii uu kul lahaa geeddi-socodkii dalka uu kaga baxay KMG-nimada.

Dhammaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland waxay Alle ka baryeen in boqorka uu siiyo janno, iyagoo ehelladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya