4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Dad ku dhaawacmay weerar bambano oo ka dhacay degmada Wajeer

Talaado, June 25, 2013(HOL) :- Ilaa afar qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kaasoo lala beegsaday goob ay dad badani ku caweeynayeen oo ku taal magaalada Wajeer, iyadoona kooxihii weerarka geeystay ay goobta isaga baxsadeen.

Weerarkan ayaa lala xiriirinayaa xiisado mudooyinkii u danbeeyay ka dhextaagnaa beelo wada daga magalooyinka Wajeer iyo Mandeera.

Sarkaal ka tirsan booliska magaalada Wajeer ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaawaca afarta qof, wuxuuna xusay in laba qof uu dhaawacoodu ahaa mid fudud halka laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

“Kooxihii weerarka fuliyay waxay bam gacmeed ku tuureen goob ay dad badan ku sugnaayeen wayna baxsadeen, mana jirto cid arintaasi loo qabtay,” ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday in magacisa la xigto oo warbaahinta la hadlay.

Xiisadahan ayaa waxay u dhexeeyaan beelaha Dagoodiye iyo Garre waxaana inta la ogyahay ay galaafteen nolosha in ka badan 60 qof, waxaana dowladda Kenya ay wadaan dadaallo lagu dhexdhexaadinayo labadan beelood oo ay u dhexeeyaan colaado ka dhashay qeybsiga kuraasta deegaanada ay wada deegaan beelahaasi.

War kasoo baxay xafiiska madaxweeynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto dadka hurinaya colaadaha u dhexeeya beelaha ku dagaalamaya magaalooyinka Wajeer iyo Mandeera.

Weerarkan bambaano ee ka dhacay magaalada Wajeer ayaa kusoo beegmaya xilli rabshado shalay ka dhacay magaaladaasi ay ku dhinteen laba qof, waxaana rabashadahaasi ay ka danbeeyeen kadib markii dad careeysan ay xanibeen isu socodkii gaadiidka ee u dhexeeyay magaalooyinka Wajeer iyo Mandeer.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.