4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno Taageersanaa oo la Sheegay inay si qarsoodi ah kaga baxeen Degmada Baraawe


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa.

Shabakad taageerta Al-shabaab oo lagu magcaabo Somalimemo ayaa war ay maanta baahisay ku sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan Al-shabaab ay u xaqiijiyeen in Sheekh Xasan Daahir iyo xubno ka tirsanaa Xisbul Islaam ay laba habeen ka hor si dhuumaaleysi ah uga baxeen Baraawe, iyagoo maray dhinca badda, lamana oga halka uu aaday.

Ilaha Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in bixitaankiisa aan laga warhayn uuna si qarsoodi ah ay isaga iyo xubnaha wehliyay kaga baxeen degmada Baraawe oo Khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya koox isaga taageerta iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya inay jireen wadahadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay Sheekh Xasan Daahir iyo xukuumadda Qatar, kuwaasoo qorshahoodu ah in wadahadal loo furo dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam.

Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in la doonayo in Sheekh Xasan Daahir loo dhoofiyo dalka Qatar, iyadoo la xusuusto in afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin uu laba sano ka hor ka sheegay degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug inay wadahadallo la furayaan dowladda Soomaaliya ayna ka goosteen Al-shabaab.

Inkastoo mas’uuliyiinta sarsare ee Al-shabaab aysan ka haldin ka bixitaanka Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socda degmada Baraawe ayaa waxay haddana horay u sheegeen inay jiraan xubno ururkooda ka tirsan oo kasoo horjeeda dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada ay taageerada ka helaan oo ay AMISOM ka mid tahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha uu hoggaaminayo ay aadeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, balse warkaas ma ahan mid si dhab ah loo xaqiijiyay.

Sheekh Xasan Daahir oo horay u ahaa hoggaamiyaha ururkii Xisbul Islaam ee burburay oo ugu dambeyna ka mid noqday Al-shabaab ayaa lagu xusuustaa inuu dhowr jeer oo hore ka hadlay dilalka ay Al-shabaab u geystaan shacabka iyo mowqifyadooda adag, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan wanaagsanayn.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu dagaal u dhexeeya xubno uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir ay Baraawe kula dirireen xoogag ka amar-qaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaana Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya