4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2013
Arday Soomaaliyeed oo dhameystirtay waxbarasho jaamacadeed oo xaflad Qalin-jabin ah loogu sameeyay dalka Hidniya (SAWIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xaflad weyn oo ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed ee dhameystay wax-barasho Jaamacadeed ayaa lagu qabtay magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.

Xafladan oo sanad waliba loo qabto ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas wax-ka-barta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa arday, macallimiinta, waaliddiinta ardayda Soomaliyeed iyo madax sare oo ka socday Jaamacadaha iyo machadyada waaweyne ee dalka Hindiya.

Ardayda Soomaaliyeed ee qalin-jabiyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 47-arday oo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee jamacadaha dalka Hindiya, sida caafimadka, Injineerinka, farshaxanka iyo sayniska, waxayna kala ahaayeen 14-arday oo ka baxay oo heerkoodu ahaa Mastar Degree iyo 33 oo iyaguna qaatay darajada koowaad ee Bachelor degree.

Dadkii ka qaybgalay xafladda oo hadallo jeediyay ayaa ardayda dhameystay waxbarashadooda kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa’iideyaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan waalidiintood oo heerkan soo gaarsiiyay.

Prof. Akhder Cali oo ka socday Jaamacadda Osmania University oo ka mid ah jaamacadaha ku yaalla dalka Hindiya ayaa ardayda qalin-jaibyay si weyn ugu ammaanay dadaal dheeraad ah oo ay muujiyeen iyo inay ahaayeen intii ay waxbarashada wateen kuwo akhlaaq wanaagsan.

“Ardayda Soomaalida waa kuwa ugu firfircoon marka loo eego ardayda kale ee wax kasoo jeeda Qaaradda Afrika. Waxaana kula dardaarmayaa in dadaalkooda ay halkaas kasii wadaan,” ayuu yiri Prof. Cali oo ballan-qaaday inay ka jaamacad ahaan garab isgaati doonaan ardayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka hadlay Prof. Mohammed Khan oo ka socday LVS group of Institutions isagoo ardayda Soomaaliyeed ku amaanay dadaal dheeraad ah oo ay muujiyeen iyo inay yihiin kuwo waxbarashada jecel.

“Tobankii sano ee ugu dambeysay ardayda Soomaaliyeed waxay jaamacadaha dalka Hindiya ka muujiyeen fir-fircooni dheeraad ah, taasina waxay keentay inaan u ballanqaadno inaan xoogga saarno waxbaridda ardayda Soomaaliyeed si aqoontooda ay u noqdo mid sare,” ayuu yiri Prof. Khan.

Liibaan Cusmaan oo ku hadlay magaca ardayda qalin-jabinaysay ayaa tix yar oo gabay ah ku guubaabiyay ardaydii qalinjabinaysay. Isagoo intaas kaddib sheegay in waxbarashadu aysan dhammaad lahayn, looga baahan yahay arday walba oo Soomaaliyeed uu dadaalkiisa laba jibaaro.

Ugu dambeyn, waxaa ardaydii qalin-jabisay la guddoonsiyay shahaadooyinkii ay ku guuleysteen, iyadoo xafladdu ay kusoo dhammaantay farxad dheeraad ah oo ay muujiyeen ardaydii qalin-jabisay, waalidiintood iyo asxaabtii kale ee xafladda goobjoogga ka ahayd.




Axmed C/wahaab Sheekh Aadan
[email protected]
Hyderabad, Hindiya