4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo hakad geliyay ka doodista sharciga Xuquuqda Insaanka ee dalka Soomaaliya


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay ka doodista sharciga xuquuqul aadanaha ee Soomaaliya, kaddib markii ay ka dalbadeen guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintan in dib loo dhigo tan iyo kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka oo furmaya kaddib fasax ay dhawaan galayaan xildhibaannada.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo caruurta golaha baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u sheegay warbaahinta in iyaga ay codsadeen in doodaha sharcigan la hakiyo inta kala tashanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira.

“Waxaan baarlamaanka weydiisannay inuu hakiyo ka doodista sharcigan oo laba jeer laga dooday, qorshaheenuna waa inaan kala tashanno guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira, si sharciga go’aan ay u dhan yihiin shacabka Soomaaliyeed looga gaaro,” ayay tiri xildhibaanadda.

Sidoo kale, Khadiijo waxay sheegtay inay u qorsheysan tahay labad abilood ee baarlamaanku uu fasaxa ku maqan yahay inay shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira kala tashadaan sharcigan ayna kasoo ururiyaan fikradahooda.

“Rajadeenna waa in sharcigan uu noqdo mid ay shacabka Soomaaliyeed iyo maamullada dalka ka jira ay fikradahooda ugu daraan, markaas kaddibna aan horgeynno baarlamaanka si loo ansixiyo,” ayay xildhibaannadu mar kale tiri.

Sharcigan ku saabsan xuquuqda aadanaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya si aanay u dhicin xadgudubyo loo geysto bulshada Soomaaliyeed, waxaana baarlamaanku uu ka dooday laba jeer oo hore.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kulammadoodii ugu dambeeyay kaga doodayeen sharciyo kala duwan oo ay xukuumadda u soo gudbisay, kuwaas oo la xiriira, kalluumeysiga, ganacsiga, maal-gashiga iyo kuwo kale oo ay ku sheegtay xukuumaddu inay yihiin kuwo fududeynaya in dhaqaalaha dalka uu sare u kaco.

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer oo ciidamada dowladda iyo kooxo kale oo hubeysan ku eedeysay inay geystaan xad-gudubyo uu ka mid yahay kufsiga haweenka ay u geystaan, gaar ahaa haweenka ku jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya