3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo Afhayeenka Xafiiskiisa Maanta u Magacaabay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiweli


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta u magacaabay afhayeenka xafiiskiisa, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya-arag dhanka warbaahinta ah.

Wareegtada magacaabista oo warbaahinta loo qaybiyay oo soo baxday 23-kii Juun 2013, ayaa wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay inuu u cuskaday qaar ka mid ah qodobbada 99-aad ee dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbadiisa (A, D, iyo E) iyo qodobka 100-aad ee isla dastuurka, isagoo xusay in wariye Ridwaan uu ku qiimeeyay xifraddiisa.

“Markaan arkay baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Markaan arkay taariikh nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta la xiriirta warbaahinta ee uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan, waxaan go’aanaday inuu u magacaabo afhayeenka xafiiskeyga,” ayuu ra’iisul wasaare saacid ku yiri wareegtadiisa.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu wareegtadiisa ku sheegay inay dhaqan-galayso wareegtadan marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.

Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa wuxuu noqonayaa afhayeenkii ugu horreeyay ee uu yeesho xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay warbaahinno badan oo dalka iyo dibaddiisa ka howlgala.

Xilliyadii ugu dambeysay, wuxuu ka howlgalayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, sidoo kalena wuxuu wakiil wareed uga ahaa Britain idaacadda VOA-da laanteeda af Soomaaliga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/24/2013 3:09 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa.

6/24/2013 1:25 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa maanta ku geeriyoodey dalka Finland. Xaaladda caafimaad ee boqorka oo bilihii u dambeeyey aad u liidatey ayaa kasii dartay kaddib markii uu dhiigga maskaxdu istaagey, taasoo sabab u noqotay geeridiisa.

6/24/2013 1:17 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Saraakiishii ugu horreysay oo ka tirsan cidiamada xoogga dalka oo tiradoodu ahayd 880-askari ayaa tababar loogu soo xiray maanta xerada tababarka ciidamada ee Jaziira, iyagoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo tabbabar ku qaata gudaha dalka.

6/24/2013 1:11 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xaflad weyn oo ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed ee dhameystay wax-barasho Jaamacadeed ayaa lagu qabtay magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.

6/24/2013 11:27 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa magacaabay guddi ka hor tagga tahriibka iyo hirgalinta shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda.

6/24/2013 10:57 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay ka doodista sharciga xuquuqul aadanaha ee Soomaaliya, kaddib markii ay ka dalbadeen guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintan in dib loo dhigo tan iyo kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka oo furmaya kaddib fasax ay dhawaan galayaan xildhibaannada.

6/24/2013 9:19 AM EST
Isniin, June 24, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awood u isticmaali doono maleeshiyaadka hubaysan ee ku dagaallamaya deegaanadda Mandheera iyo Wajeer hadii aanay hubkooda soo dhiibin.

6/24/2013 9:15 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii uu soo dhamaystay socdaalkii uu goboladda ku marayey, xalay kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamcadda Hargeysa,kuwaas oo waydiiyey su’aalo aad u kulkullaa oo ku aadan mawqifkiisa madax banaanidda Somaliland uu ka qabo.

6/24/2013 8:53 AM EST
Isniin, June 24, 2013(HOL)—Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinayay dad wax fiican sameeyay oo ku nool dalka Sweden, gaar ahaan magaalada Borlänge ayaa lagu qabtay magaaladaas, iyadoo xafladdana ay ahayd mid ay ka qeybgaleen inta badan oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaas.

6/24/2013 8:51 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Guddidda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey heerka uu cudurkaasi ka marayo Somaliland iyo sida looga baahan yahay in golaha Wakiiladdu qayb uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshadda, isla markaana shacabka ula wacyigelin lahaa halista uu leeyahay cudurkan.

6/24/2013 8:19 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay kaga doodeen hidise sharciyeedka maal-gashiga dalka, iyagoo warbixin dheer ka dhageystay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Xasan.

6/24/2013 8:04 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay sida ururrada bulshada rayidka ah ay uga qaybqaadan lahaayeen dadaallada loogu jiro sidii lagu sugi lahaa ammaanka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen odayaasha dhaqanka, nabadoonno, haween iyo dhallinyaro.

6/24/2013 5:44 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — AMISOM Siminaar socday afar maalmood ah u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sare loogu aqaadayay aqoontooda la xiriira howlaha ay u hayaan baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

6/24/2013 5:33 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Dowladda hoose ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa billaabay howlo lagu burburinayo dhismayaal laga sameeyay hareeraha waddooyinka magaaladaas.

6/24/2013 4:37 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay ku toogtay xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya xilli uu gurigiisa kusii socday.

6/24/2013 4:25 AM EST
Isniin, June 24, 2013 (HOL) - Dagaal beeloodyo u dhexeeya qaar kamid ah beelaha dega gobolka Soomaalida Kenya ee waqooyi bari ayaa sababay inay socon waayaan gaariyaashii basaska ahaa ee qaadi jiray dadka isaga kala goosha deegaanada gobolka iyo caasimada dalka Kenya ee Nairobi.