4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Xildhibaannada Baarlamanka oo ka dooday Sharciga Maal-geshiga dalka iyo Xildhibaan cusub oo Maanta la dhaariyay

Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay kaga doodeen hidise sharciyeedka maal-gashiga dalka, iyagoo warbixin dheer ka dhageystay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Xasan.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 145 iyadoo kulanka lagu billaabay dhaarinta xildhibaan cusub oo lagu magacaabo, Cilmi Maxamuud Nuur kaasoo bedelay xildhibaan horay ugu geeriyooday dalka Kenya.

Intaas kaddib waxay xildhibaannadu gudo-galeen ka doodista sharciga maal-gashiga ee shirkadaha shisheeye, iyadoo wasiirka uu sharraxaad ka bixiyay sharcigan iyo saameynta uu ku yeelanayo shirkadaha maal-gashiga ku sameysanaya dalka.

“Sharcigan waa mid dadka shisheeyaha ah loogu bandhigayo sidii ay dalka u maal-gashan lahaayeen, waxaana sharcigan uu albaabbada u furayaa in sare uu u kaco dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in sharcigan uu kaslooni u siinayo qofka doonaya inuu dalka maal-gashi ku sameysto kalsooni uu hantidiisa dalka ku gelin karo, waayo qofna ma doonayo buu yiri inuu hantidiisa meel cidlo ah ku tuuro.

“Sharcigan waa mid si dhab ah u qeexaya maal-gashiga iyo maal-gashadaha waayo waayo waxaa la doonayaa in si dhab loo ogaado waxay kala yihiin maal-gashi iyo maal-gashade,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in sharcigan uu ku saleysan dastuurka dalka u yaalla.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirka wax ka weydiiyeen sharcigan, isagoo su’aalaha la weydiiyay oo la xiriira habka ay dalka u maal-gashan karaan hay’adah shisheeye uu ka jawaabay.

Kulanka ayaa waxaa ugu dambeyn soo xiray Mahad Cabdalla Cawad, iyadoo ka hadalkan sharcigan uu qayb ka yahay doodo ay xildhibaannadu xilliyadii dambe ka yeelanayeen sharciyo ay xukuumaddu u soo gudbisay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya