4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
AMISOM oo siminnaar u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee Baarlamaanka Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — AMISOM Siminaar socday afar maalmood ah u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sare loogu aqaadayay aqoontooda la xiriira howlaha ay u hayaan baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Siminnaarkan ayaa waxaa ka qaybgalay xildhiabaannada guddigan iyo sidoo kale shaqaale ka tirsan baarlamaanka, waxaana intii uu siminaarku socday ay ka doodeen habka lagu sugi karo ammaanka laguna dhisi karo maamullo ay gobollada dalku yeeshaan.

Xiritaankii siminnaarka ayaa waxaa hadal ka jeediya, Basile Garetetse oo wakiil ka ahaa ergayga arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika danjire, Maxamed Saalax Anaadiif, isagoo sheegay in siminnaarkan uu ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta xildhibaannada, isagoo sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeyn doonto baarlamaanka Soomaaliya.

“Dadaalladeena waa kuwo ku saleysan sidii aan u taageeri lahayn hay’adaha  dowladda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri warqad uu soo dirtay danjire Anaadiif. “Xildhibaannadu waa kuwo matala shacabka Soomaaliyeed, waana muhiim in la baro habkii ay shacabkooda ugu faa’iideyn lahaayeen.”

Siminnaarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo AMISOM ay ugu qabto Muqdisho xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay sheegeen inay sii socon doonaan tababarrada noocan oo kale ah.

“Waxaan ogosoonnahay in dadaallada AMISOM inay ku sameysan yihiin sidii ay wadashaqeyn ula sameyn lahayd baarlamaanka Soomaaliya,” ayay tiri Fowziyo Maxamed Sheekh oo ah guddoomiyaha guddigan oo ka hadlaysay xiritaanka tababarka.

Ugu dambeyn, AMISOM waxay u qaybisay xubnihii guddiga ee siminaarka ka qaybgalay qalab isugu jira kambiyuutarrada gacanta lagu qaato (Laptops) iyo kuwa waaweyn ee xafiisyada la dhigto, si ay ugu diyaarsadaan howlahooda gaarka ah.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya