4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Billowday Bur-burinta Dhismayaal laga sameeyay Hareeraha Waddooyinka (SAWIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Dowladda hoose ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa billaabay howlo lagu burburinayo dhismayaal laga sameeyay hareeraha waddooyinka magaaladaas.

Ololahan ayaa laga bilaabay koonfuta magaaladda Laascaanood, gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Manhal iyo xaafadda Daami, iyadoo dowladda hoose ay ku sheegtay howshan kuwo lagu ballaarinayo waddooyinka magaaladaas oo ciriir noqday.

Xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir oo la hadlay saxaafadda ballan-qaaday inay wadayaan ololahan illaa ay ka banyanayaan guud ahaan waddooyinka magaaladaas.

“Waxaan burburin doonnaa guryaha, barkadaha biyaha, musqulaha iyo wax kasta oo soo gala waddooyinka ka dhexaysa daddweynaham” ayuu Cabdi Khayre hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, duqa degmada Laascaanood C/qaadir Jaamac Saalax (Xuuxuule) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ayaan-daro ku tilmaamay dadka ololahan ka soo horjeeda xilli ay socdaan qorshayaal loogu hagaajinayo dhulkoodii, halkii buu yidhi ay nala shaqayn lahaayeen.

“Bulshada ku nool magaalada Laascaanood waxaan ugu baaqayaa inay qayb ka qaatan howlaha socda, maadaama berri iyaga lagu qiimeyn doono waxay qabsadeen,” ayuu duqa Laascaanood.

Ololan noocan ah oo loo adeegsanayo cagaf-cagafyada ayaa noqonaya kii uug horreyay noociisa oo laga sameeyo magaalada Laascaanood wallow sanadkii 2005-tii oo magaalada ay ka talinaysay Puntland la sameeyay olole wadddooyin badan lagu furay.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay hawl-galkan, kuwaasoo qaba inuu yahay mid wax weyn ka taraya bilicda iyo isku-socodka bulshada, halka qaar kale aanay ogoleyn in howshan laga sameeyo magaalada.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool