4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Kooxo Hubeysan oo xalay Degmada Wadajir ee Muqdisho ku toogtay mid ka mid ah Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya

Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay ku toogtay xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya xilli uu gurigiisa kusii socday.

Ruuxa la toogtay oo lagu magacaabi jiray Cabdalla Xasan Yaroosiw (Biyoole) iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen, sida uu war-baahinta u sheegay agaasimaah baarlamaanka, Maxamed C/llaahi Ciyoow.

“Cabdalla Biyoole wuxuu ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee golaha shacabka, wuxuuna ahaa xubnaha qora hadallada laga jeediyo baarlamanka marka uu kulan jiro iyo marka ay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan hadlayaan,” ayuu yiri Ciyoow.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ay ka dambeeyeen toogashada mas’uulkan ka tirsanaa shaqaalaha dowladda ayna isla markiiba goobta ka baxsadeen.

“Dilkiisa waxaa ka dambeysay Al-shabaab, wuxuuna ahaa mid qorsheysan, xubnaha baarlamaankana waxay tacsi u dirayaan ehelladii uu ka geeeriyooday marxuumka,” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha golaha shacabka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta waxaa lagu sheegay in Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda, balse kooxdan si toos ah uma sheegan inay ka dambeysay dilkaas.

Waa markii ugu horreysay sannadkan oo Muqdisho lagu dilo mas’uul ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa falalka ammaan-darro ee xoogagga taabacsan Al-shabaab ay xilliyadii dambe ka geysanayeen magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) uu sheegay shalay oo Axad ahayd in amniga Muqdisho uu yahay mid sugan oo la isku halleyn karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya