4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Dagaallada u dhexeeya Qabaa'illada Soomaalida ah ee Kenya oo Horseeday Xayiraado dhinaca isku socodka ah

Isniin, June 24, 2013 (HOL) - Dagaal beeloodyo u dhexeeya qaar kamid ah beelaha dega gobolka Soomaalida Kenya ee waqooyi bari ayaa sababay inay socon waayaan gaariyaashii basaska ahaa ee qaadi jiray dadka isaga kala goosha deegaanada gobolka iyo caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Waxaa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadaha ka taagan Mandheera iyo Wajeer oo ay wada dagaan beelaha Degoodiga iyo Garraha, kuwaasoo isku dhacyo dhex mareen kadib muran ka dhashay doorashooyinkii qaybaha kala duwan ee jagooyinka dalka oo dhacay bishii March.

Waxaana murankaasi u horseeday in dagaallo dooxataysi ah ay dhex maraan dhinacyada deegaanka, iyadoo mudanayaasha laga soo doorto gobolku ay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ee Kenya inay ku guul darraysteen sugida ammaanka iyo soo qabashada maleeshiyaadka hubaysan.

Hogaamiyayaasha gobolka laga soo doorto ayaa haatan isku dayaya inay dhexdhexaadiyaan labada qabiil ee dirurtu u dhexayso, iyadoo axadii shalay ahayd ay Nairobi kulan ku qaateen qaar kamid ah xildhibaanada iyo senatarrada gobolka oo ay hogaaminayaan Wasiirkii hore ee difaaca Yuusuf Xaaji oo haatan ah Senatorka Gaarisa County iyo hogaamiyaha isbahaysiga aqlabiyada ee talada dalka haya Aadan Barre Ducaale.

Waxayna mudanayaashani ku baaqeen in dagaalka si dhakhso ah loo soo afjaro, ayna labada dhinac xushmeeyaan natiijooyinkii doorashadii dalka ka dhacday ee lagu dooranayay lix jago oo kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanada, senatorada, godoomiyaasha gobollada iyo jagooyinka haweenka loo qoondeeyay.

Waxaa arrinta sii murjiyay markii ay kooxo hubaysani weerar ku qaadeen bas mararay deegaanka Wajeer kaasoo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxayna taasi keentay in gabi ahaanba uu joogsado isu socodka gaadiidka ka baxa Nairobi ee taga magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera iyo kuwa dhinaca kale kasoo baxa.

Dagaalka intiisa badan ayaa ka dhacay deegaanka Tarbaja oo ka tirsan Mandheera, ilaa iyo haddana ma jirto wax xal ah oo laga gaaray.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya