4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
AMISOM oo Tababar uga Furtay Muqdisho 100 Sakraal oo ka tirsan ciidanka Booliiska Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa maanta tababar uga furtay xarunta gaadiidka booliiska Soomaaliya ee Muqdisho 100 sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya, kaasoo socon doona muddo laba todobaad ah.

Saraakiishan ayaa waxay tababarka ku qaadan doonaa xirfado la xiriira howlahooda shaqo, iyadoo la qorsheynayo inay saraakiishan noqdaan kuwo tababara mustaqbalka soo socda ciidanka booliiska Soomaaliya.

Madaxa tababarrada booliiska AMISOM, Dr. Benjamin Agordzo aya sheegay in AMISOM ay ballanqaadayso inay sii wadayso caawinta ciidamada booliiska Soomaaliya, si booliiska Soomaaliya ay u noqdaan kuwo howlahooda u guta si waafaqsan sharuucda dalka.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan idin la shaqeyno, waxaan diyaar u nahay inaan ula shaqeyno booliiska Soomaaliya si toos ah, waxaana rajeynaynaa in yoolalkiinna aad ku guuleysataan,” ayuu yiri Dr. Agordzo oo la hadlayay ciidamada tababarka loo furay.

Tababarkan ayay saraakiisha AMISOM ku sheegeen mid qayb ka ah howllaha lagu xoojinayo ciidamada booliiska Soomaaliya, iyadoo la bari doono sida ay sheegeen fududeynta howlaha ciidanka, maareynta tababarrada iyo arrimo kale oo la xiriira howlahooda shaqo.

“Markii saraakiishan uu tababarku u dhammaado waxay awood u helayaan inay tababarro siiyaan saraakiisha booliiska ee dalka oo dhan. Taasina waa mid xoojin doona khibradda iyo fahamka ciidamada booliiska,” ayuu mar kale yiri Dr. Benjamin.

Boqolka sarkaal ee tababarka loo furay ayaa waxay isugu jiraan dumar iyo rag, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo AMISOM ay tababar kan oo kale ah u furto ciidamada booliiska Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah ciidammo booliis ah oo loogu talogalay inay la shaqeeyaan kuwa Soomaaliya, si ammaanka loo adkeeyo, waxaana booliisha AMISOM howlahooda qayb ka ah tababarka booliiska Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya