4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Tartanka koob uu dhigay madaxweynaha dalka Jabuuti Geelle oo si habsami leh uga socda Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Waxaa si habsami leh uga soconaya garoonka Lama-galaay ee Baladweyne tartanka Koob uu dhigay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray heer gaba-gabo ah kadib markii ay isku awood sheegteen sideed kooxood oo ka dhisan afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne oo tartanka ka qeyb-gashay.

Galab kasta waxaa iska xaadiriya garoonka Lama-galaay boqolaal dadweyne ah oo u badan dhalinyarro isugu jirta rag iyo dumar xamaasadeysan islamarkaana kala taageeraya kooxaha tartanka ka qeyb-qaadanaya, iyadoo hadal heynta ugu badan marka aad eegto bulshada ku dhaqan magaalada tahay tartanka socda iyo sida ay kooxaha ugu kala awood sareeyaan.

Tartanka waxaa ka qeyb-galay sideed kooxood oo laga soo kala xulay afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne waxaana xaafad walba tartanka uga qeyb-gashay labo kooxood iyaga oo kala qeybiyay A-B, iyadoo ugu danbeytii gabagabada tartanka ay isugu soo hareen labada kooxood ee kala ah Howl-wadaag A iyo Kooshin B oo lagu wado in ay food isku daraan garoonka Lama-galaan 25 bishan.

Guddoomiyaha guddiga Olanbikada gobolka C/kariin Xassan C/dulle Qalaad [ Yani-Yani] oo la hadllay HOL ayaa sheegay in kooxaha ay soo bandhigeen cayaar wanaag iyo farsamo si weyn u soo jiidatay dadka u soo daawasho taga iyo taageerayaasha kooxaha, waxaana uu ku tilmaamay tartankan in uu yahay kii ugu xiisa iyo xamaasada badnaa ee lagu qabto magaalada Baladweyne.

Tartanka ka soconaya magaalada Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale gacan weyn ka geystay qaba-qaabadiisa iyo habsami u socodkiisa inta ururka hormarinta dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo guddoomiyahooda Max'ed C/llaahi Buraale Raaxeeye u sheegay HOL in ujeedada ugu weyn oo laga leeyahay tahay is dhax-galka bulshada gaar ahaan dhalinyarrada si loogu dhiir-galiyo nabada.

Tababarayasha iyo cayaartooyda labada kooxood ee isugu soo haray tartanka Koobka uu dhigay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa warbaahinta isku marinaya eryo ay koox walba guusha isku siineyso, laakiin waxaa loo wada joogaa oo isha lagu wada hayaa 25 bishan iyo ugu danbeyn kooxda la galbata koobka oo sidoo kale ay ku hoos qarsan yihiin abaalmarino qaali ah oo loo sii qarinayo cayaartooyada.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya