4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amaanka oo sheegay in Amniga Muqdisho uu sugan yahay

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgalyada, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid sugan ayna gacanta ku hayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Warsame Joodax wuxuu sheegay in goob walba oo caasimadda ka tirsan ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ayna sugayaan ammaanka, wuxuuna ku sheegay hadalkiisa inay dadaal weyn ugu jiraan sidii ammaanka caasimada loo xaqiijin lahaa.

“Gobolka Banaadir waxaa gacanta ku haysa dowladda, meel walba oo ka mid ah gobolka waxaa jooga ciidammo, waxayna ka hortagayaan falalka amniga lagu waxyeeleynayo, waayo waxaa jira kuwo maalintii innaga noo eg, markii habeenkii la gaarana nooc kale ah,” ayuu yiri Warsame Joodax oo sheegay in kuwaas ay doonayaan inay dadka cabsi geliyaan.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in qorshayaashooda ay ka mid yihiin inay ka hortagaan inuu dhaco fal la mid ah kii Arbacadii lasoo dhaafay lala beegsaday xarunta UNDP ee Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka badan.

Mar la weydiiyay waxyaabaha uga qorsheysan gobolka Banaadir dib u dhiska waddooyinka burbursan ee Muqdisho ayuu kaga jawaabay: “dowladda ayaa taas goor dhow billaabaysan, dhismaha waddooyinkana waxay u baahan yihiin in loo helo mashaariic waaweyn, maamulka gobolkuna gacan ayuu ka geysan doonaa arrintaas.”

Inkastoo guddoomiye ku xigeenku uu sheegay in ammaanka Muqdisho uu hadda yahay mid sugan, haddana waxaa jira hanjabaado weli ka imaanaya Al-shabaab, kuwaasoo ku saabsan inay qaraxyo kale ka geysan doonaan magaalada Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo laba sano ka hor laga saaray Muqdisho ayaa waxay weli awood buuxda u leedahay inay qaraxyo ka geysato, taasoo shaki weyn gelisay caalamka oo dhan, waxaana madaxda dowladdu ay sheegaan markii uu fal dhaco inay wax ka qabanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya