4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Dagaal caawa ka dhacay Baydhabo iyo qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa caawa weeraray fariisin ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo, kaasoo socday muddo saacad ah, iyadoo sidoo kale uu maanta qarax weyn oo khasaare geystay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee isla gobolka Bay.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa hubka la isku weydaarsanayay laga maqlay gabi ahaan xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo aan weli la ogaan khasaaraha ka dhashay, maadama ay xilli habeen ah tahay.

Al-shabaab ayaa u muuqda inay kordhiyeen weerarrada ay la beegsanayaan fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmada Baydhabo, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo habeenno ka hor ay dagaalo kan la mid ah ka dhaceen xaafado ka tirsan Baydhabo.

Dhanka kale, qaraxa maanta maqaayad ay badanaa fariistaan ciidamada dowladda ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansax-dheere waxaa ku dhintay saddex qof, iyadoo sidoo kalena ay ka dhasheen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Saraakiisha ciidamada gobolka Bay oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in uu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab, iyagoo sheegay in maalmahan ay soo gaarayeen hanjabaadyo ku saabsan in degmadaas qaraxyo lala beegsan doono.

Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay degmada Qansax-dheer  ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo xusay inay halkaas ku dileen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qarax miino oo kan oo kale ah uu ka dhacay biibito Shaaha laga cabo oo ku taalla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku dhinteen lix qof oo u badnaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo