4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Hay’adaha Muslimiinta Mareykanka oo Erdogan uga Mahadceliyay Caawinta Qoxootiga ku firirsan Caalamka oo dhan

American Muslims thank Turkish PM for refugee support
Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Hay’adaha muslimiinta dalka Mareykanka oo qoraal u diray ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee uu siiyo qoxootiga ku nool dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee caalamka.

Muslimiinta Marekanka ayaa warqaddooda oo ay ciwaan uga dhigeen “Mahadsanid” waxay ku sheegeen in ra’iisul wasaaraha Turkiga ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee uu siiyo qoxootiga caalamka ku firirsan.

Warqaddan ayaa waxay ugu dhiibeen Erdogan, dajiranaha dalka Turkiga u jooga magaalada Washington DC ee xarunta dalka Mareykanka, Namik Tan, iyagoo ku sheegay in dalka Turkiga uu yahay dal si aan kala sooc lahayn u caawiya kumannaan qoxooti ah sannad walb, iyagoo ugu baaqay inuu sidaas ku wado caawinta qoxootiga.

“Innagoo ah muslimiinta Mareykanka, waxaan caddeynaynaa in Turkiga uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray caawinta qoxootiga, waana mid ay tusaale ka dhigan doonaan dalalka kale ee dunida,” ayuu yiri Maxamuud Kazmi oo ah mid ka mid ah bulshada muslimiinta ah eek u nool dalka Mareykanka.

Sidoo kale, waxay qoraalkooda ku xuseen in Turkigu uu caawin joogto ah siiyo qoxooti badan oo ku nool dalalka, Bosnia-Herzegovina, Syria, Iraq, and Kosovo, Bangladesh, Myanmar, Afghanistan, Pakistan, Sudan iyo dadka Soomaaliyeed.

Kazmi wuxuu sheegay in Erdogan uu yahay hoggaamiyihii ugu horreeyay oo booqda Soomaaliya oo colaado ku jirtay 20-sano, waxaana ku boorrinaynaa hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka inay ku daydaan hoggaamiyahan.

“Qoraalkeenna waxaan si wadajir ah u qoray muslimiin kasoo jeeda dalal kala duwan oo ku nool Mareykanka. Waxaana hoosta ka xariiqnay in dalka Turkiga uu yahay mid si walaanimo iyo saaxiibnimo ah u caawiya dalalka muslimiinta ah,” ayuu Kazmi hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Dalka Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga hay’ado samafal oo kala duwan, kuwaasoo ka shaqeeya, waxbarashada, caawinta barakacayaasha, dhismaha iyo horumarinta hay’adaha dalka. Iyagoo sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah siiyay boqolaal arday Soomaaliyeed ah.

Howlaha samafal ee Turkiga kawado Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah ula dhacsan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda iyagoo ku tilmaamay mid walaanmo oo ka timid shacabka Turkiga iyo xukuumaddooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya