4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka hadlay dilalka iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto Ajaanibta Waddankiisa ku nool


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Koofurta Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay dilalka waddankiisa loogu geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay, isagoo sheegay in weerarrada lala beegsado dadkaas ay xal u raadinayaan.

Jacob Zuma ayaa sheegay inaan wax dhibaato ah lagu heynin ajaanibta ku sugan dalkiisaa, gaar ahaa Soomaalida halkaas ganacsiga ku leh, kaddib markii uu shalay hor tagay barlamaanka dalkaasi, su’aalana arrintaas laga weydiiyay.

“Ajaanibta ku nool Koonfur Afrika dhammaantood si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa, Soomaalidana waxba kuma duwna kuwaas, ilama aha inay la kulmaan dilal iyo dhibatooyin kale, balse waxaan qirayaa inay jiraan weeraro mararka qaar ay la kulmaan, kuwaasina xal ayaa loo heli doonaa,” ayuu yiri madaxweyna Koonfur Afrika.

Sidoo kale, Zuma oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah ee dalkiisa ku nool ayaa xusay in hadalka sida loo dhigayo uusan ahayn, iyaguna ay dadaal u galayaan sidii dhibaatooyinka jira loo xallin lahaa.

“Ma ahan mid la qarin karo in weerarro ay ka dhacaan gobollada ay dadka aan dalkan u dhalan ku nool yihiin, balse taas xal ayaan u raadinaynaa, waa in la joojiyaan ka badbadinta arrintan,” ayuu Zuma kaga jawaabay su’aal ay u soo jeediyeen mudanayaasha qaarkood oo ahayd in dadka ajaanibta ah six un loogu dilo dalkaas laguna boobo hantidooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa bishan oo keliya lagu dilay in ka badan lix qof oo Soomaali ah, kuwaasoo mid ka mid ah dhagax lagu dilay, iyadoo tani ay keentay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbato xukuumadda South Africa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas.

Hadalka madaxweynaha Koonfurta Afrika ayaa walaac hor leh ku beeraya dadka Soomaalida ah iyo ajaanibta kale ee dalkaas ku nool, kuwaasoo horay ula kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ay kula kaceen, dadka dalkaas u dhashay iyo weliba kooxo burcad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]m  
Muqdisho, Soomaaliya