4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Xubnaha Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay Meelmarinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo lagu Waday in Maanta la Ansixiyo

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo xilligan uu magaalada Garoowe uga socdo kal-fadhigoodii 30-aad, ayaa dib u dhigay meelmarinta Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo ay dhowrkii maalmood ee uu ugu danbeeyey ay ka doodayeen.

Dhismaha maxkamadda sare oo kamid ah ajendayaasha ugu waaweyn ee uu golaha wakiilladu fadhigoodan diirada ku saarayo, waxaa lagu wadey in ay soo dhameystiranto maanta oo sabti ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, ayaa mar uu warbaahitna la hadlayey sheegay, in goluhu dood dheer kaddib, uu isku raacay in dib loo dhigo meel marinta Maxamadda Dastuuriga ah.

"Goluhu dood-dheer kaddib wuxuu isla qaatay in dib loo dhigo meel marinta maxakamadda dastuuriga ah, taasoo maanta iyo dhowrkii beri ee ka horeeyeyba uu dood kulul baarlamaanku ka yeeshay" Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yiri.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in la qaboojiyo colaad u dhexeysa labo beelood oo walaalo ah. Colaaddan ayaa kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan miyiga gobolka Karkaar.

Inkasta oo lagu guuleystey in dhowr mar oo hore xal laga gaaro dagaalkan -oo soo jiitamayey muddo dhowr sano ah, wuxuu dib usoo cusboonaaday markii dad xoolo dhaqato ah oo ka kala tirsan labada dhinac ay labo qof iska dileen.

Iyadoo dhowaan la filayo in doorashada goleyaasha deegaanku ay ka qabsoonto deegaanada Puntland, ayaa waxaa jira walaac ay qabaan qaar kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland. Sidoo kale ururada  qaar ayaa horay u sheegay inaysan doorashada geli doonin maadaama ay meesha ka maqan yihiin arrimo dhowr ah oo doorashada lagama maarmaan u ah, ayna kamid tahay Maxakamadda Sare oo lagu kala bixi lahaa haddii uu is qaqabsi dhanka siyaasadda ahi yimaado.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya