4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Dagaalyahanno ka Tirsan Al-shabaab oo lagu Dilay Iskahorimaad ka dhacay Degmada Baraawe ee Koonfurt Soomaaliya

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Lix dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal xoogag kawada tirsan kooxdan ku dhexmaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay warbaahinta caalamka ka soo xigatay goobjoogayaal ku sugan degmadaas.

Dagaalkan oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa wuxuu salka ku hayay kala fikir duwanaasho soo dhexgashay mas’uuliyiinta kooxdan, iyadoo dadka ku dhintay la sheegay inay lab aka mid ah ahaayeen shisheeye la safnaa Al-shabaab.

Xarakada Al-shababa ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ku dilay Muqdisho dad ay ku jireen shaqaale ajnabi ah oo u shaqeynayay hay’adda UNDP iyo dad kale oo Soomaaliyeed oo ay ku jireen ilaaladii xaruntaas, kaddib markii ay weerar ku qaadeen xaruntaas.

“Baraawe waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab, wuxuu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, waxaana halkaas ku dhintay lix qof oo labadii dhinac ee dagaalamayay ka tirsan, kuwaasoo laba ahaayeen ajnabi la safnaa Al-shabaab,” ayuu yiri goobjooge u warramay warbaahinta calaamka.

Mas’uuliyiinta Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkaas iyo sida uu u dhacay, balse wararka ayaa waxay sheegayaan inay weli jiraan xiisado xooggan oo labadii dhinac ee dagaalamay u dhexeysa.

Ilo wareedyo kale oo ku sugan Baraawe ayaa iyaguna sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay xubno ay ka mid yihiin, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha ururkan iyo hoggaamiyaha ururka Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, iyadoo la sheegay in kooxda Xasan Daahir ay doonayeen inay sameystaan urur u madaxbannaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Cumar Xamaami oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee ajnabiga ah uu sheegay in lagu dhaawacay weerar ay kooxo ka tirsan Al-shabaab kusoo qaadeen, uuna baqdin ka qabo in la dilo.

Tan iyo sannadkii 2011 waxaa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo fududeeyay in Al-shabaab dhul ballaaran laga qabsado.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlayay kaddib weerarkii Arbacadii lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ka leexin karin howlahooda nabadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya