4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Kumanaan Muslimiin ah oo ka kala yimid dunida oo kulan weyne ku yeeshay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland

Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Hargeysa shalay kusoo gaba-gaboobay kulan diimeed ay ka soo qaybgaleen muslimiin lagu qiyaasay shan iyo toban kun oo qof, kuwaas oo ka kala yimid shanta qaaradood ee aduunyada iyo guud ahaan goboladda ay soomaaliddu ka degto geeska afrika.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo muslimiinta badhkood ku kulmaan markiskoodad ugu weyn bariga Afrika ee ku yaalla magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu socdaa saddex cisho, waxaana maalmahaasi dadka lagu wacyigeliyaa inay ilaahay u dhowaadan, isla markaana wanaaga iyo waxyaalaha y ajarka ka helayaan ku dhaqmaan, waxaana maalintii salaasadda ee bisha june 18,2013 furay wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo muslimiinta ku waaniyey illaalinta diinta iyo ku dhaqanka asluubta ay leedahay diinta musliminka.

Kulanka muslimiinta ee ay soo abaabuleen dariiqadda Tabliqiinta ayaa muslimiin aan la qiyaasi Karin ka soo qaybgaleen, waxaana dhamaanla buuxiyey labadda dabaq ee masaajidku ka kooban yahay, dhismayaasha jaamacadda ee masaajidka  iyo dayrka weyn ee ku xeeran masaajidka, iyadoo dadkii martida ahaana ay masaajidka u hoydeen halka reer Hargeysa iyo inta u dhow dhowna ay buux dhaafiyeen barxadda weyn ee masaajidka, kuwaas oo ilaahay ku caabadayey, isla markaana dhaxantii iyo dabayshii dhacaysay ilaahay dartood ugu samreen si ay u dhagaystaan wacdiga iyo hadalka qiimaha leh ee culimaddu ku baraarujinayaan.

Muslimiinta tabliqiinta ah  ayaa inta badan ku dadaalaa inay qof kasta ugu yeedhaan diinta, isla markaana muslimiinta aan tukanin iyo kuwo wakhtigooda ku lumiya qayilaadda ugu tagga goobaha ay fadhiyaan si ay qalbigoodda ugu abuuraan diin jacayl, taasina waxay keentay in taageero faro badan ka helaan muslimiinta, maadaama oo aanay cidnaba iska fogeyn dar ilaahay ugu baaqaan in illaahay loogu xidhnaaddo.

Sidoo kale, waxa sanadkan ugu badnaa soomaalidda timid muslmiin ka socotay deegaanka Soomaalidda ee Itoobiya, iyadoo dad lagu qiyaasay ilaa afar kun oo qof ka yimaadeen gabi ahaan Itoobiya ee qoomiyadaha kala duwan ka kooban.

Dariiqadda tabliqiinta ayaa inta badan awoodda saara inay diinta ku soo hanuuniyaan dadka aan salaadda tukan ee miyiga iyo magalaaba ku maqan, waxaanay inta badan waaniyaan inay ilaahay ku xidhnaadaan, iyago meel walba u mara inay dadka ku soo ridaan hanuunka ilaahay, isla markaana ka fogaadda arrimaha siyaasadda iyo waxyaalaha keenay khilaafyadda ee la isku haysto.

Muslimiinta kulankan ka soo qaybgalay ayaa iskugu jira dhalinyaro, waayeeel iyo dad dhexe, kuwaas oo dar ilaahay usoo baxay isla markaa  wajiyadoodda ka muuqatay inay nooleeyaan diinteenna oo aan inta badan sideedda loogu dhaqmin, waxaana kulanka ku dhex arkaysay dadyow faro badan oo aan hore meelaha diinta lagu oogay ka soo qaybgali jirin oo inta badan balwaduhu fogeeyeen.

Sidoo kale, waxay culimadda waaweyn ee tabliqiintu ku baaqeen inay qoysaskooda iyo jaararkooda ka bilaabaan inay waaniyaan sidii ay masaajidada usoo camiri lahaaayeen.

Culimo waaweyn oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa ka sheekeeyey qiysoosin badan oo wax lagu qaadan karo, isla markaana muslimiintii masaajidka iskugu timid la wada ooyeen.

Kulanka muslimiinta ayaa inta badan waxa ka soo qaybgalay madaxda kala duwan ee Jabuuti iyo Somalilandba ka socotay, gaar ahaan xildhibaanno, xisbiyadda iyo wasiiradda Somaliland oo wacdiga dhagaysanayey, waxa  kale oo yimaada ganacsato iyo dadyow farobadan, waxaana shalay jimcihii lagu soo gagobogeeyey ducooyin faro badan oo muslimiinta loogu duceeyey inay diinta ilaahay fahansiiyo ilaahayna ku xidhmaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland