3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Shirweynihii caalamiga ahaa ee Xoriyatul-Qowlka Aduunka oo looga hadlay xaaladda Xorriyatul-Qowlka Soomaaliya (SAWIRRO)


Jimco, June 21, 2013(HOL)—Shirweynhii Dallada Caalmiga ah ee u Dooda Xoriyatul Qowlka ee loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX) ayaa lagu soo gunaanaday Dalka Cambodia, gaar ahaan magaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.

 

Ka soo qeyb galayayaasha oo kor u dhaafayay 200 qof oo matalayay ururrada iyo hay’adaha u dooda xorriyada saxaafadda, xuquuqul insaanka iyo xorriyatul qowlka kuwaasoo ka kala yimid 120 dal oo addunka daafihiisa ah ayaa waxaa ay si qoto dheer ay uga doodeen xaaladda ay ku sugan tahay xoriyatul qowlka.

 

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa kulanka ugu qeyb galay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ah dallada IFEX. Soomaaliya ayaa mar kale loo asteeyay in ay ka mid tahay dalalka loogu dhibaateyn badan yahay suxufiyiinta taasoo ay ka dhigeyso meel si weyn loogu xadgudbo xorriyatul qowlka iyo xuquuqul insaanka. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la wadaaga kaalinta ugu horreysa dalalka Philippine, Russia and Syria.

 


Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa kasoo jeediyay kulanka Phnom Penh ee IFEX warbixin oo uu ugu hadlay dhibaatada loo geysanayo suxufiyiinta gaar ahaan nabadgelyo-xumida heysato suxufiyiinta oo keentay in si bareer ah loo beegsado saxaafadda iyo ciqaab la’aanto dilka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

“Waxa ugu daran ee manata saxaafadda Soomalaiya heysto ayaa ah cuuryaamin iyo dhibaateyn aan xad laheyn oo ciddii geysato aan wax dambi ah loo qabsaneyn, iyadoo la ogyahay in qofka suxufiga ah uu yahay muwaadin caadi ah balse mas’uuliyadda dheeraadka ah ee saaran darteed ayaa loogu bartilmaameedsadaa shaqada ay bulshada u hayaan darteed” ayuu yiri Cumar Faaruuq oo ku daray in dagaal gaar ah lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ay  tahay mid xalkeeda lagu soo koobay hadallo siyaasadeed oo aan wax la taaban karo oo muuqda aanan laga qaban tasoo keentay in dilkii uu si macno darro ah u sii socdo.

 


Kulanka ayaa waxaa lagu meel mariyay go’aan u soo jeediyay Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ kaasoo ahaa in laga taageero Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ si ay u sahlanaato in la ilaaliyo amniga iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyadda saxaafadda soomaaliya taasoo kulanweynaha IFEX uu si weyn isugu raacay.

 

Isku soo wada duub dhawaan ayay  aheyd markii shirweynaha Ururka IFJ eek a dhacay magaalada Dublin lagu meel mariyay qaraar taageero iyo kaalmo kaleba loogu yaboohay ururka NUSOJ muddada seddaxda sano ah ee soo socota si uu usii kordhiyo waxqabadkiisa.

 

 













Click here
6/21/2013 8:03 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay gabi ahaan ka qaybqaataan horumarinta dalka iyo sugidda ammaanka.

6/21/2013 6:56 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan loo doortay xilalkaas ayaa lagu caleemo saaray maanta oo Jimco ah magaalada Cadaado ee gobolka Gal-guduud oo xarun u ah maamulkaas.

6/21/2013 5:01 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

6/21/2013 4:49 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Shirkii baarlamaanka Carabta oo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay ayaa go’aannadii lagu gaaray waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya laga taageero dhinaca dib u dhiska.

6/21/2013 4:38 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Inkastoo beesha caalamka ay rajo weyn ka qabtay in Soomaaliya ay nabad la isku halleyn karo ka dhalato, haddana weerarradii ay Arbacadii ku qaadday Al-shabaab xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaysa in ammaanka Somalia uusan ahayn mid xilligan wanaagsan, Al-shabaab ayna awood u leedahay in ay weerarto goobaha muhiimka ah.

6/21/2013 1:24 AM EST
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka warbixiyey qaraxii la beegsaday xerada UNDP ay ka deggen yihiin magaalada Muqdisho. Waxaa wareystay Ibraahim C. Baafo.