4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Xarunta Golaha Shacabka kula kumay Ururrada Dhallinyaro Soomaaliyeed


Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay ka qayb-qaataan horumarinta dalka iyo sugidda ammaanka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qaybgalay 300 oo dhallinyaro ah, iyadoo la isku dhaafsanayay fikrado ku saabsan dastuurka dalka iyo sidii dhallinyaradu qaybtooda uga qaadan lahaayeen mustaqbalka dalka.

“Waxaan jecel nahay inaan dhageysanno afkaartiinna, waxaadna ogaataan in dalka aad idinka leedihiin, maantana muraadkeennu wuxuu yahay inaad noqotaan dhallinyaradii aan burrito isha u dhiibi lahayn. Waxaana idinka ka codsanayaa inaad sheegataan waxyaabaha aad u baahan tihiin innaguna diyaar ayaan u nahay inaan idinka saacidno,” ayuu yiri Jawaari oo ka hadlayay kulankan.

Dhallinyaradii kulanka kasoo qaybgalay oo goobta ka hadlay ayaa qaarkood waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin in marka hore ay sugto ammaankooda. Iyagoo sheegay in tan kale ee ay doonayaan in waxbarashada la kobciyo, si loo helo dhallinyaro waxbartay oo maamulka la wareega.

“Guddoomiye dhalinyarada halkan isugu timid waa kuwa la doonayo in dalka ay hoggaamiyaan, waxana ka codsanaynaa dowladda inay mideyso ururrada dhalliyarada Soomaaliyeed, si loo helo hoggaan mideysan oo dhalinyarada ay leeyihiin,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaradii kulankaas ka qaybgalay.

Fikradaha dhalinyarada kaddib ayaa waxaa hadlay Mudane Jawaari isagoo ku boorriyay dhallinyaradii kulankaas kasoo qaybgalay inay muujiyaan isku-duubni ayna qayb ka qaataan dhismaha iyo horumarinta dalkooda.

“Midda labaad ee aan doonayo inaan idiin caddeeyo waa inaad maan-dooriyaha la dagaalantaan, waayo qofkii maan-dooriye barta aad ayay u adag tahay inuu iska daayo, waxaan idinku boorrinayaa inaad dhallinyarada kale ee maan-dooriyaha isticmaala aad ka joojisaan si mustaqbalkooda uu u hagaago,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisu ku daray.

Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu kula dardaarmay dhallinyarada inay bartaan dhaqanka Soomaaliyeed ayna ku faanaan inay Soomaali yihiin, taas oo uu sheegay inay tahay midda keliya ee ay kaga muuqan karaan dunida inteeda kale.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in la dhisayo gole cusub oo lagu magacaabo golaha dhallinyarada baarlamanaka Somalia, kuwaasoo si toos ah ula shaqeyn doona xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya