3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Shirkii Baarlamaanka Carabta oo lagu go’aamiyay in Dowladda Somalia laga Taageero howlaha dib loogu dhisayo dalka


Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Shirkii baarlamaanka Carabta oo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar lagu soo gabagabeeyay ayaa go’aannadii lagu gaaray waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya laga taageero dhinaca dib u dhiska.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaaka Soomaaliya uguna jira Soomaaliya baarlamaanka Carabta oo ka mid ahaa xubnihii shirkaas ka qayb-galay ayaa sheegay in dalalka carabta ay go’aan ku gaareen in Soomaaliya la taageero.

“Go’aannadii kasoo baxay shirkii baarlamaanka Carabta ee saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Qaahira waxaa ka mid ah in la taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska,” ayuu yiri xildhibaanka oo ku sugan Qaahira.

Sidoo kale, xildhibaan Dalxa wuxuu sheegay in dalalka carabta ay si aad ah u soo dhaweeyeen isbedellada ka socda Soomaaliya, iyagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay kaalin mug leh ka qaadanayso dib u dhiska guud ee Soomaaliya.

“Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay waxay dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ka baxayso xilliyo ay ka jireen colaado sokeeye una baxayso xilli ka duwan xilliyadii hore,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in shirkaas looga hadlay colaado ka jira dalalka Carabta qaarkood sida dalka Suuriya, iyagoo go’aamiyay in wax laga qabto dhibaatooyinkaas oo ah kuwo saameyn xooggan yeeshay.

Baarlamaanka Carabta ayaa saddexdii biloodba mar yeesha kulan uu kaga hadlayo xaaladaha ka taagan dalalka Carabta oo ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay qalalaasaha dalalka Carabta ka jira iyo dib u soo kabashadooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/21/2013 10:12 AM EST
Jimco, June 21, 2013(HOL)—Shirweynihii Dallada Caalmiga ah ee u Dooda Xoriyatul Qowlka ee loo yaqaano International Freedom of Express Exchange (IFEX) ayaa lagu soo gunaanaday Dalka Cambodia, gaar ahaan magaalada Koofur bari Asia ee Phnom Penh.

6/21/2013 8:03 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay gabi ahaan ka qaybqaataan horumarinta dalka iyo sugidda ammaanka.

6/21/2013 6:56 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan loo doortay xilalkaas ayaa lagu caleemo saaray maanta oo Jimco ah magaalada Cadaado ee gobolka Gal-guduud oo xarun u ah maamulkaas.

6/21/2013 5:01 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

6/21/2013 4:38 AM EST
Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Inkastoo beesha caalamka ay rajo weyn ka qabtay in Soomaaliya ay nabad la isku halleyn karo ka dhalato, haddana weerarradii ay Arbacadii ku qaadday Al-shabaab xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaysa in ammaanka Somalia uusan ahayn mid xilligan wanaagsan, Al-shabaab ayna awood u leedahay in ay weerarto goobaha muhiimka ah.

6/21/2013 1:24 AM EST
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka warbixiyey qaraxii la beegsaday xerada UNDP ay ka deggen yihiin magaalada Muqdisho. Waxaa wareystay Ibraahim C. Baafo.