4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Ammaanka Soomaaliya oo shaki weyn laga muujiyay iyo Al-shabaab oo weli Awood u leh in ay Weerarro Geysato


Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Inkastoo beesha caalamka ay rajo weyn ka qabtay in Soomaaliya ay nabad la isku halleyn karo ka dhalato, haddana weerarradii ay Arbacadii ku qaadday Al-shabaab xarunta weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho ayaa muujinaysa in ammaanka Somalia uusan ahayn mid xilligan wanaagsan, Al-shabaab ayna awood u leedahay in ay weerarto goobaha muhiimka ah.

Horraantii bishii May ee sannadkan Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya u soo dirtay 200 oo khabiir kuwaasoo loogu talogalay inay dowladda iyo maamullada dalka ka jira kala taliyaan ammaan, ujeedaduna waxay ahayd in ammaanka Soomaaliya la xoojiyo.

Axmed Cabdi Xasan oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa qiray in beesha caalamku ay dadaal u gashay sidii ay Soomaaliya uga caawin lahayd soo celinta ammaanka, balse weerarkii Arbacadii dhacay uu cabsi weyn ku keenay dunida oo dhan.

Weerarkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho ayay calaamka qaarkiis waxay ku tilmaameen mid muujinaya in ammaanka Soomaaliya uu weli yahay mid aan la isku halleyn Karin, iyagoo ugu baaqay dowladda inay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka.

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxay haddana ku hanjabtay inay sii wadayso weerarrada noocan oo kale ah oo ay la beegsanayso goobaha ay deggen yihiin dowladda, AMISOM iyo hay’adaha samafalka.

Shaqaale ajnabi ah oo ka howlgalayay xarunta UNDP iyo kuwo Soomaali ah ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaa sidoo kale ku dhintay dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo dad shacab ah oo Soomaaliyeed, in badanna way ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan howlaheeda ka socda Somalia aysan u hakin doonin weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Arbacadii xarun ay ku leedahay Muqdisho, uuna u noqonayo dhankooda tusaale ay fariimo ku qaataan.

“Horumarka Soomaaliya waa mid dunida oo dhan ay indhaha ku haysay, iyagoo rajo ka qaba inay arkaan Soomaaliya oo mar kale nabad ah, balse weerarkii dhacay Arbacadii wuxuu utin ku noqday calaamka oo dhan,” ayuu yiri Markus Hoehne oo ka mid ahaa saraakiil ka tirsan hay’ad ammaanka ka shaqeysa oo saldhiggeedu yahay Jarmalka.

Sidoo kale, Annette Weber oo ah sarkaalad ka tirsan machadka caalamiga ah ee arrimaha amniga oo saldhiggiisu yahay magaalada Barlin ee xarunta dalka Jarmalka oo muddo badan isha ku hayay isbedellada Soomaaliya ka socda ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Al-shabaab ay awood u yeelato in weerarro ay ka fuliso Muqdisho.

“Dhab ahaantii khaladka weyn ee dowladda Soomaaliya ay leedahay waa in ay isku koobtay Muqdisho oo keliya oo aysan xil ah iska saarin deegaannada kale ee dalka,” ayay tiri Annette oo ugu baaqday dowladda inay awoodeeda ku baahiso deegaannada kale ee dalka, sida Kismaayo oo uu gacanta ku hayo hoggaamiye kooxeed hore oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Al-shabaab oo ah koox kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa weerarkii ay shalay geysatay wuxuu ahaa kii labaad oo ay Muqdisho ka geysato, iyadoo tani ay ceeb weyn ku tahay dowladda Soomaaliya oo gabi ahaan Muqdisho ka talisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya