4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in waxbarashadu ay ahmiyad gaar ah u leedahay Shacabka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka qaybgalay xafladdii xiritaanka shirweynaha Qaran ee dib-u-habeynta waxbarashada dalka oo saddex maalmood socday ayaa shegeay in waxbarashadu ay tahay mid ahmiyad gaar ah u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuihu wuxuu sheegay in siyaasadda dowladdu tahay in dib-u-habeynta hay’adaha dowliga ah laga qayb-galiyo oo talo ay ku yeeshaan bulshada qaybaheeda kala duwan, isagoo xusay in shirkan waxbarashada looga hadlayay iyo kii ka horreeyay ee garsoorka looga hadlay ay qayb ka yihiin shirar Qaran oo dalka gudihiisa lagu qabtay, isla markaana shacabka laga qaybgeliyay si ay fikrado ugu yeeshaan.

“Waxbarashadu ahmiyad gaar ah bay noo leedahay, waxaana mahad gaar ah u soo jeedinayaa wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo shirka Qaran ee dib u habeynta waxbarashada soo qabanqaabisay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu u soo joogay waqti aysan carruurta Muqdisho tagin iskuulada oo dhibaatooyin fara badan ay jireen, isagoo u mahadceliyey dhammaan dadkii 22-kii sano u istaagay horumarinta waxbarashada, sheegayna in la joogo waqtigii la fulin lahaa aragtida wasaaradda oo ah in hal milyan oo carruur ah ay helaan waxbarasho.

“Haddii si wadajir ah looga shaqeeyo arrintan waxay suurogal ka dhigaysaa in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayeysan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu waxuu sheegey in dalku leeyahay kheyraad fara badan oo haddii waxbarasho la helo ay keeni doonto in laga faa’iideysto, isagoo intaa ku daray inay jiraan waddamo aan kheyraad lahayn haddana dhaqaalahoodu uu aad u sarreeyo sababtana ay tahay iyagoo xoogga saaray waxbarashada.

Boqortooyadii Jabbaan waxay 1850-kii go’aamisay in shacabka Jabbaan laga horumariyo waxbarashada oo ay maanta meel sare ka marayaan caalamka. Soomaaliyana waa inaan mustaqbalka carruurta hadda sii hagaajinaa oo aan aragti dheer la imaanaa,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Maamulka Puntland ayuu sheegay inay heer sare gaarsiisay waxbarashada shacabka deegaannadaas  ku nool, isagoo xusay in loo baahanyahay in wax laga barto oo dowladda dhexe qorshaheeda waxbarasho laga sii ambaqaado horumarka waxbarashada Puntland.

Dhanka kale, wuxuu madaxweynuhu ka hadlay dhacdadii shalay ee xarunta UNDP lagu weeraray isagoo sheegey inay nasiib-darro tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu qanciyay inay is dilaan shacabkoodana laayaan, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in dhallinyaradaas lagu qanciyo inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay bad-baadiyaan naftooda iyo nafta bani’aadamka kale ee ay la nool yihiin.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xirtaanka shirkaas Qaran ka sheegay inay jiri doonaan shirar kale oo looga hadlayo dib-u-habeynta dhaqaalaha, amniga iyo dib-u-heshiisiinta bacdamaa shirkii garsoorka iyo kan waxbarashada ay noqdeen kuwo guul ku dhammaaday oo u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya