4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Wufuud Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ku booqday Yaasiin Raadeer oo lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)
M1460008.jpg
Khamiis, June 20, 2013(HOL) - Wafdi ka socday safaarada Soomaalida ay ku leedahay dalka Kenya iyo wafdi kale oo Jubbaland ka tirsan ayaa booqday gudoomiye kuxigeenka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), xilli ay xaaladiisa caafimaad si wayn uga soo raysay.

Dhaawaca loo geeystay masuulkani ayaa ka danbeeyay kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo gadoodsan oo ay jidgooyo u tiillay wadada aadda marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo saddex maalmood ka hor.

Waxaana Yaasiin oo ku jira isbitaalka Karen ee magaalada Nairobi uu sheegay in caafimaadkiisu uu aad u wanaagsanyahay. “Ilaahey caafimaad ayuu I siiyay, waxaa horay loo sheegay inaan dhaawac culus qabo, laakiin waad u jeedaan in dhaawacaygu uu ahaa mid aad u fudud” ayuu yiri Raadeer.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo qunsulka Soomaaliya Siyaad Maxamuud Shire ayaa hogaaminayay wafdi ka socday safaaradda Soomaaliya oo masuulkan ku soo booqday isbitaalka.

M1460023.jpg

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay caafimaadka Yaasiin Raadeer, dawlada Soomaaliyana ay la socon doonto xaaladiisa Caafimaad ayna tahay masuuliyadooda inay ka warqabaan qof walba oo Soomaali ah oo dhaawac ama dhibaato kale loo keeno dalka Kenya.

Waxaa kaloo iyaguna halkaas ku sugnaa wafdi ka tirsan Jubbaland oo ay kamid ahaayeen, Sheekh Maxamed Maxamuud (Aw-libaax), Gudoomiyaha gobolka Gedo Xusseen Sheekh Cabdi iyo Saalax Axmed Xusseen.

Waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin imaatinka masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee soo booqday masuul ka tirsan maamulkooda, iyagoo sheegay in arrintaasi ay muujinayso in khilaafka siyaasadeed laga gudbi karo, ayna taageersanyihiin dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

M1460015.jpg
M1460027.jpg
M1460001.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya