4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Ururka SYL II oo Magaalada Marko ku qabtay Munaasabad lagu Taageerayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Ururka SYL II oo ah urur dhallinyaro ayaa ku qabtay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose munaasabad loogu magac-daray (U hiilli Askariga ha ku dhiiradee waajibkiisa”, taasoo ay qayb ka qaateen abaabulkeeda shacabka ku nool degmada Marko.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ururada bulshada, odayaasha, culummaa’uddiinka, haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo lagu soo beegay kaddib markii ciidamada amniga ay qabteen dad qalqal amaan-xumo ah ka waday magaalada Marka, kuwaasoo bambooyin ku tuuray ciidamadii rondo ku jiray.

Ujeeddada munaasabaddan ayuu ururku ku sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Makro lagu dhiirrigeliyo inay adkeeyaan ammaanka degmada maadaama ay soo kordheen maalmahaan falalka ammaan-darro ee laga geysanayo degmadaas.

Waa markii ugu horreysay oo munaasabad noocan oo kale ah lagu qabto degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna dadweynahu ku muujiyeen dareenkooda boorar kala duwan oo lagu soo xardhay erayo kala duwan oo oo looga soo horjeedo dadka ammaan xumada kawada degmada iyo kuwo lagu soo dhaweynayo taageeridda iyo ka qeyb-qaadashada sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka.

Eraydii ku qornaa boorarka ayaa waxaa ka mid ahaa: Dhawr amniga ha ku dhowree. Taageera nabadda tiir adagna ku muda. Marka Caddeey Minin Aw-Cusmaan Munaafaqii imaado Miigaa loo xeraa, Dhagar-qabow, filo dhar-baaxo ku dhaafimeynee. Ma xisaabtame, miir-laawe meeshaad galeysaa la iska rabaa iyo kuwo kale oo fara badan.

Gabagabadii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Marka, Yariisow oo uga mahadnaqay dadweynaha shucuurtooda ku aadan ka hor-taga dadka qalalaasaha sameynaaya iyo soo dhaweynta iyo dhiiri-gelinta ciidamada amniga.

Shacabkii kasoo qaybgalay munaasabadda ayaa ciidamada soo qabqabtay dadka ammaan-darrada wada ku guuddoonsiiyay lacago abaal-marin ahaa ciidamadii gacanta ku dhigay, iyagoo kuwa kalena ku dhiirigeliyay inay ku daydaan ciidamadaas.

Ugu dambeyn, waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah guddiyaddii kala duwan ee ka jira degmada Marko, sida odayaasha, ururada bulshada oo ay ka mid yihiin haweenka iyo culummaa’uddiinka; iyagoo shacabka ku boorriyay inay taageeraan ciidamada amniga si looga hortago amni-xumada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya