4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
AL-SHABAAB: “Waan sii wadaynaa beegsiga xarumaha ay hay’adaha UN-ku ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho”

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo weerar ay dhowr qof oo shaqaale ah oo ka tirsan hay’adda UNDP iyo dad rayid ah ku dhinteen ku qaadday xarunta Hay’adaha Qaramada ee Muqdisho ayaa ku goodisay inay sii wadayso weerarrada ay la beegsanayso goobaha ay daggan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ku yaalla.

Inkastoo Al-shabaab laga saaray Muqdisho laba sano ka hor haddana waxay ka fulinaysay wixii xilligaas ka dambeeyay weerarro naxdin ah oo kii shalay uu ugu dambeeyay, iyadoo sheegtay in qorshahoodu uu yahya in weerarada noocan oo kale ah ay sii wadayaan inta ay Muqdisho ka saarayso waxay ugu yeertay hay’adaha gaalada.

“Ujeedadeennu waa inaan ka sifeynno gaalada dhulka Islaamka,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, isagoo intaas ku daray. “Inta aan hadafkeenna ka gaarayno gaaladu kuma heli doonaan amni magaalada Muqdisho iyo dhulalka kale ee Islaamka. Ma ahan maanta ama berri, balse waxaa inta dhulka islaamka oo dhan aan ka saarayno.”

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dayacday ammaanka guud ee Muqdisho, taasna ay sabab u ahayd inay Al-shabaab weerarkii shalay la beegsato xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaa loo baahan yahay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siiso sidii ay ku sugi lahayd ammaanka caasimadda,” ayuu yiri C/krashiid Xaashi oo ka mid ah saraakiisha machadka Heritage ee saldhiggiisu yahay Muqdisho, isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hanjabaadda Al-shabaab ayay madaxda dowladda ku sheegeen mid aanay ku gaarayn wax guul ah, iyagoo ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan sidii ay ku heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo deggenaasho horumar leh.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka loo doortay bishii September ee sannadkii hore 2012, ayaa sheegay markii la doortay in muhiimadda koowaad ay siinayaan sugidda ammaanka, balse waxaa isa soo taraya falaka ammaan-darro ee Al-shabaab ay ka geysanayso Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya