4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Ruwaayad lagu Wacyi-gelinayay Dadweynaha Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Riwaayadan oo qabanqaabadeeda iyo maal-gelinteedaba uu lahaa ururka u dooda xuquuqda dhallinyarada ee SYAO ayaa waxaa jiliyay kooxda Qaylo-dhaan, waxaana ka qaybgalay xubno fara badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.

Riwaayada oo magaceedu uu ahaa(Qarsataye ma idin qaleen”  ayaa waxaa heesayaal iyo jilayaal ka ahaa 25 fannaan, waxaana soo jiidatay ruwaayada dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed.

Bandhigga ruwaayadan ayaa ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa u soo daawasho tagay 300-qof oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Muqdisho.

DAAWO RUWAAYADDA: http://www.youtube.com/watch?v=0xnGhHbOGKI

Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ruwaayadan ka qayb-galay, isagoo ka hadlayay furitaankii ruwaayadda ayuu sheegay in ruwaayaddan ay noqon doonto mid wax ka bedesha wacyiga dadka ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha ururka SYAO, Maxamed Cajiib oo goobta ka hadlay ayaa horay u ballanqaaday in ururkiisu uu sameyn doono ruwaayado wacyiga dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda wax ka bedela.

Mu’allifka ruwaayadda, Maxamed Xuseen (A.D) ayaa dhiniciisa sheegay in ruwaayado kale uu soo bandhigi doono oo bulshada lagu wacyi-galinayo, iyadoo ruwaayaddan intii ay socotay laga dhageysanayay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya