4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la Kulmay Madaxa Hay’adda Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Japan (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah kula kulmay magaalada Yokohama ee dalka Japan guddoomiyaha hay’ada xiriirka caalamiga Japan (JICA), Akihiko TANAKA, isagoo kala hadlay go’aankii ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ee ahaa in Soomaaliya si toos ah kaalmada Japan loo siinayo dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya u baahan tahay.

Mr. Tanaka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya booqadiisha dalka Japan iyo ka qeyb-galkiisa shirka horumarinta Afrika ee Yokohama ka socda, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka gaartay dhinaca ammaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaguna sidoo kale u mahadceliyay marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Japan gaar ahaan ra’iisul wasaare Abe go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Soomaaliya dib loosoo nooleeyo oo ay si toos ah u mucaamilaan.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyay guddoomiyaha JICA taasoo ku wajahan xaaladda dalka; gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-degga ah ugu baahan yihiin si horumarka ka billowday Soomaaliya loo sii ambaqaado.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin tababarro xirfadooda shaqo kor loogu qaadayo, isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo iyagana shaqo abuuris u sameyn kara dad badan oo Somaali ah,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ah ay la sameyn doonaan dowladda Soomaaliyeed, sida in tababarro la siiyo shaqaalaha dowladda kuwaasoo la xiriira maamulka iyo maareynta. In dhismaha machadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib loo dhisi doono iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaallada beeraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulammo gaar-gaar ah la yeeshay madaxweynaha Koonfur Afrika oo uu kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Soomaalida deggen dalkaas ammaankooda loo kafaalo qaadi lahaa.

Madaxweynahu waxuu kaloo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu kala hadlay shirka Brussels ka dhici doono 16-ka September 2013. Sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Japan ayuu la kulmay madaxweynuhu.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya