4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Hay'adda S.Y.P.D oo Mashruuc lagu horumarinayo beeraleyda ka sameysay deegaanno hoostaga Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Tacbashada beeraha waa laf-dhabarta in badan oo ka mid ah qoysaska ku dhaqan deegaannada uu hareer maro wabiga shabeelle ee gobollka Hiiraan, laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa muuqaneysa in sanadihii ugu danbeeyay qoysaskaas si wanaagsan uga faa'ideysan tacabka dhulka sababo la xiriira farsamo xumo iyo dhaqaalle la'aan soo food saartay.

Hadaba hay'adda SYPD oo mashaariic kala duwan ka fulisa gobollka Hiiraan ayaa ka bilaawday deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne mashruuc lagu hormarinayo dadka beerleyda ah gaar ahaan kuwa danyarta ah ee aan heysan dhaqaalle ku filan si uga faa'ideystaan wax soo saarka dhulka oo qaarkood sida ay sheegeen mudo dheer aan wax tacab ah gallin.

Waxaa si toos ah uga faa'ideystay mashuurcan ilaa 40 qoys oo ku dhaqan deegaannka Bacaad ee hoostaga magaalada Baladweyne oo loo aaaaaaa arkay in ay yihiin kuwo ugu sii liita marka loo eego dadka beerleyda ah ee deegaannkaas ku dhaqan.

C/nuur Ibraahim Isaaq [Farey] oo ah madaxa hay'adda SYPD oo HOL la hadllay ayaa sheegay in 40 ka qoys ee ka faa'ideystay barnaamijka hormarineed in qoyskiiba loo fallay 2.5 Hectar, iyadoo la siiyay ama loogu deeay 75 Liitar oo nafto ah, 5 liitter oo Oolyo Matoor ah, 4.5 kg Abuur isugu jira noocyada qudaarta sida Qaro, Barbarooni, Ansalaaato, Karooto, Koosto, halka dhinaca kale afartii qoysba la wadaajiyay looguna deeqay Matoor ay biyaha uga soo saartaa wabiga iyo qalabka loo isticmaalo ka hortaga cayaanka beeraha.

Marka laga soo tago kaalmada la gaarsiiyay qoysaska beeraleyda ah sidoo kale waxaa ay ka faa'ideysteen aqoon korarsi la xiriira isticmaalka agabka loogu deeqay, qaabka waxbeerista, wadaagida hantida, lahaashaha mashruuca iyo waliba ka miro dhalinta hadafka ah wax soo saarka dhulka ama beeraha oo muhiim u ah dadka dega hareeraha wabiga.

Qoysaskii ka faa'ideystay mashuurcan oo ay wadajir u fulinayeen hay'adda SYPD iyo NRC islamarkaana ay meel-galisay Common Humanitarian Fund  ( CHF) ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaa kalamada loogu deeqay iyo aqoon korarsiga ay ka helleen hay'addaha gargaarka gaarsiiyay, iyaga oo intaa ku darray in sanadihii ugu danbeeyay aysan hellin gargaar noocan oo kale ah.

Ma'aha markii ugu horeysay oo ay hay'adda ka fuliso gobollka Hiiraan mashaariic kuwa oo kale ah iyadoo sadaxdii sano ee la soo barnaamijiyo hormarineed oo kala duwan ka fulisay deegaanno ka tirsan gobollka.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya