4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka oo warbixin ku saabsan sharciga Maalgashiga dalka ka dhageystay Wasiirka Ganacsiga

Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixinno ku saabsan sharciga maalgashiga dalka ka dhageystay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Xasan.

Kulankii xildhibaannada maanta oo ay soo xaadireen 145 mudane ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad.

Wasiirka ayaa sharraxaad kooban ka bixiyay sharcigan, isagoo markaas kaddibna ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannadii baarlamaanka, kuwaasoo ku saabsanaa sharcigan oo ay xukuumaddu soo diyaarisay.

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa horay sharcigan ugu gudbiyay baarlamaanka si guddiga howshan u xilsaaran uu u soo eego, kaddibna ay uga doodaan codna loogu qaado.

Sharcigan ayaa wuxuu qeexayaa habka ay dalka maal-gashi ugu sameysan karaan shikaradaha shisheeye, iyadoo xukuumaddu ay sheegtay in haddii la meel-mariyo sharcigan uu horseedi doono in dhaqaalaha dalka uu sare u kaco.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu dhawaanahan ku jiray dhageysiga sharciyo ay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya, waxaana shirciggan uu ka mid yahay sharciyadii ay horay u soo ansixiyeen golaha wasiirrada Somalia.

Ugu dambeyn, waxaa kulankii maanta soo xiray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo guddiga arrintan u xilsaaran ee baarlamankaa ugu baaqay inay sharcigan kusoo akhriyaan muddo hal toddobaad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya