4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Xaaladda Caafimaad ee Mas'uulkii lagu Dhaawacay Magaalada Kismaayo oo kasoo raynaysa iyo Jawiga Magaalada oo daggan

Arbaco, June 19, 2013(HOL) :- Xaaladda caafimaad ee gudoomiye kuxigeenka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo reeyneeyso kadib dhaawac ay shalay maleyshiyo hubeeysan ugu geeysteen gudaha magaalada.

Dhaawaca loo geeystay masuulkani ayaa ka danbeeyay kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo gadoodsan oo ay jidgooyo u tiillay wadada aadda marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.

Masuulkan  oo markii hore la dhigay Isbital ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa isla shalay gelinkii danbe loo qaaday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya sida ay HOL u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow masuulkaasi, iyadoona lagu soo waramayo in xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid kasoo reeyneeyso.

Dhanka kale Xaaladda magaalada ayaa maanta caadi kusoo laabatay, kadib jawi kacsanaan ah oo ay ku jirtay shalay ilaa xalay, taasoo ka danbeeysay kadib markii uu iska horimaad gudaha magaalada ku dhexmaray laba ciidan, iyadoona iska horimaadkaasi uu salka ku hayay dhaawicii loo geeystay masuulka ka tirsan maamulka.

Ilaa hadda inta la ogyahay shaqaaqooyinkii shalay waxaa ku dhimatay ilaa sedex qof oo  mid kamid ah uu ahaa qof rayid ah, iyadoona sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen ilaa afar qof oo kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah  sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha Isbitalka Kismaayo.

Jawiga magaalada ayaa maanta caadi ah, iyadoona ay dib u furmeen dhaqdhaqaaqyadii bulshada sida ganacsiga, waxbarashada iyo isu socodkii gaadiidka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.