3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Kooxo Hubeysan oo Maanta Weerarro isugu jira Ismiidaamin iyo kuwa Toos ah ku qaaday Xartunta UNDP ee Muqdisho

Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday maanta xarunta hay’adda UNPD ee Muqdisho oo u dhexeysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo isgoyska mashquulka badan ee KM-4.

Weerarka ayaa ku billowday ismiidaamin ayaa isku rogay mid toos ah iyadoo kooxaha weerarka qaaday ay gudaha u galeen xarunta, ayna qaarkood halkaas isku qarxiyeen, iyadoo loo maleynayo inay yihiin xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab.

Inta la ogyahay shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tiran ayaas ku dhintay goobta, iyadoo ay jireen dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo deggen agagaarka xarunta, kuwaasoo ay qaadeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Ciidamada dowladd Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ku sugan hareeraha xarunta, iyadoo ciidamadan qaarkood ay gudaha u galeen xarunta ayna rasaas badan ka socoto halkaas.

Waddada isku xirta KM-4 iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la xiray iyadoo la maqayo rasaas qoryaha fudud ka dhacda, iyadoo intii uu iska horimaadku socdayna ay dhacayeen qaraxyo kala duwan.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay oo ka hadlay arrintan, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo kaddib markii horraantii bishan Juun laga furay Muqdisho xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa si caadi ah u socda iyadoo ay halkaas kusoo dagayaan kana duulayaan diyaaradaha xamuulka iyo kuwa gaarka ah ee ay wataan saraakiisha hay’adaha gargaarka.

Wixii warar ah ee soo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/19/2013 2:32 PM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan ay maanta la beegsadeen xarunta hay’adda UNDP ay Muqdisho ku leedahay, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka.

6/19/2013 11:11 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Xarunta UNDP ee Muqdisho ayaa waxaa maanta barqadii weeraray xoogag taabacsan Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha in dhamaantood ay goobta ku dhinteen, sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in lagu dilay halkaas afar ilaaladii xarunta ka mid ahaa iyo afar ka mid ahaa ajnabigii UNDP u shaqeynayay.

6/19/2013 8:35 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixinno ku saabsan sharciga maalgashiga dalka ka dhageystay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Xasan.

6/19/2013 8:10 AM EST
Arbaco, June 19, 2013(HOL) :- Xaaladda caafimaad ee gudoomiye kuxigeenka maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) ayaa lagu soo waramayaa in ay kasoo reeyneeyso kadib dhaawac ay shalay maleyshiyo hubeeysan ugu geeysteen gudaha magaalada.

6/19/2013 8:03 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP ay ku dhinteen 15-qof oo ay afar ka mid ahaayeen shaqaalihii ajnabiga ahaa ee ka howlaglayay xarunta UNDP.

6/19/2013 7:53 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ku qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid waxashnimo ah oo aan guuldarreystay.

6/19/2013 6:37 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka lagu qaaday xarunta hay’adda horumarinta QM ee UNDP ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo sarkaal u hadlay uu sheegay inay weerarka qaadeen ciidamadooda gaarka ah.

6/19/2013 2:52 AM EST
Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 20-sano kaddib ka qaybgalaya shirka ACP-EU oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ay ku taallo xarunta Midowga Yurub.