4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Jaamacadda Hargeysa oo Maanta soo Gabagabeysay Kulan looga hadlayay Dowlad-dhisidda iyo Nabadda (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hargeysa, kuuliyaddeeda nabadda iyo khilaafaadka ayaa maanta soo gabagabeeysay shir laba cisho u socday  dalalka Somaliland, Soomaaliya, koonfurta Suudan iyo Suudaan, kaas oo lagaga hadlayey dawlad dhisida iyo sida nabadda loo dhaliyo.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa, xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Cabdilaahi Dheere, hormoodka kuuliyadda Nabadda iyo xalinta khilaafaadka Aadan Xaaji Cali iyo ururadda bulshadda qaybaheedda kala duwan.

Madaxa kuuliyadda nabadda iyo xalinta khilaafaad ee jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shir caalami ah oo ay ka soo qaybgalaan wadamadda dagaaladdu ragaadiyey ee koonfurta Suudaan, Suudaan, Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana wax badan laga faa’iidi karo qaabkay nabadda u hirgalisay Somaliland.

Guddoomiyaha guddida Arrimaha dibadda ee golaha Guurtidda Md:Cabdiqaadir Indho idho ayaa isna sheegay inay golaha Guurtiddu fidin doonaan nabadgalyadda iyo sida loo sameeyey si ay caalamka iyo dunidda saddexaad ee dagaaladda aafeeyaan uga faa’iidaystaan, sidoo kale waxa uu xusay inay golaha Guurtidda u samayn doonaan xarunta xalinta khilaafaad oo qoraal iyo muuqaalba lagag hadlayo sida loo xaliyo dagaaladda sokeeyo, waxa kale oo uu sheegay inay ciyaalka yaryar u tobabarayaan golaha Guurtidda si ay u noqdaan khilaaf xaliyeyaal.

Cabdiqaadir Indho indho ayaa sheegay in sidii Suudaan iyo koonfurteedda u kala baxeen ay soomaaliya samayso oo ay fasaxdo Somaliland si ay isku caawiyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in nabadgalyadda Somaliland ka bilaabtay mid shacab, isla markaana shacabkeeda iyo madaxdeeduba isla fahmeen nabadgalyada iyo qiimaheeda, waxa kale oo uu ku dheeraaday sida ay isku kaashaadaan dadweynaha iyo xukuumada, isagoo sheegay in caalamku wax badan ka faa’iidaysan doonaan, isla markaana ay wax badan u qaban lahaayeen Soomaaliya haddii madax banaanidoodda la siin lahaa.

Wasiirku waxa uu ku faanay horumarka balaadhan ee ka jira Somaliland iyo sida wax looga baran karo qaababka loo xaliyo dagaaladda sokeeyaha, isgaoo ka sheekeeyey wakhtiigii ay soo gashay Jabhadihii SNM iyo sida loogu guulaystay in gacanta shacabka loogu soo celiyo si wanaagsanna loo maareeyey khlaafyadii jiray, taas oo gaadhay inay dalka doorashooyin shacabku soo dooranayaan madaxdoodda la hirgaliyey.

Sidoo kale, waxa shirkan lagu soo hadal qaaday qaabkii ay u kala baxeen labadda suudaan iyo khilaafkaad ka jira xuduudaha, taas oo labadda dhinac  aad iskugu khilaafsan yihiin, waxaana halkaasi ka hadlay khabiir ka socday Kuunfurta Suudaan Dr:Baasid oo ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay suudaan iyo koonfurta Suudaan iyo waxyaalaha ay iskaga mid yihiin Somaliland.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee jaamacada Hargeysa, gaar ahaan kuuliyadda nabadda iyo xalinta khilaafaadka ay soo qabanqaabiso oo heer caalami ah, waxaana halkaasi lagu soo bandhigi doona qaabab loo xaliyo dagaalada sokeeye iyo jidkii dheeraa ee ay Somaliland u martay nabadeynta shacabkeedda oo dagaalo sokeeye soo maray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland