4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay heshiisyeen Ururka XAQSOOR oo horay u qaadacay Doorshooyinkii Deegaanka


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo ururkii doorashadda ku hadhay ee XAQ-SOOR oo hore u qaadacay doorashadii golaha deegaanka ayaa heshiis af garad wada gaadhay, isla markaana sheegay inay ka heshiiyeen in dhinac looga soo wadda jeesto wixii danta guud ah.

Kulan ay xalay yeesheen madaxweynaha iyo gudoomiyaha ururkii XAQ-SOOR  Xasan Ciise Jaamac ooh ore u shaaciyey in aanu ku qanacsanayn doorashadii dalka ka dhacday, ayaa si wada jir ah u sheegay inay heshiish wada gaadheen xukuumadda iyo ururka XAQ-SOOR, waxaanay sheegeen in wadda hadal muddo saddex bilood ah u socday  labadda dhinac isku af garteen in wixii dhacay iyo waxay tabanayeenba la isla fahmay.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo u hadlayey xukuumadda iyo gudoomiye ku xigeenka ururka XAQ-SOOR Cali Sandule ayaa warbaahinta u sheegay inay labadda dhinac ka heshiiyeen wixii ay isku hayeen, islamarkaana sidii danta guud ee qaranka  dhan looga soo wadda jeedsan lahaa.

“Sharaf weyn ayay noo tahay inaanu muddo dheer soo wadnay hawl culus oo dhanka xukuumadda iyo dhanka ururkii XAQ-SOOR noo igmadeen annagoo ahayn guddi lix xubnood ka kooban oo min sadex xubnood ah. Hawshaasi xalay  ayaanu soo gabo-gabeynay oo meel wanaagsan ayaanu soo gaadhsiinay. Waxaanay noogu dhammaatay si is-afgarad”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Sammaale oo ka hadlayey is fahankii dhexmaray iyaga iyo xururka xaqsoor.

“Madaxtooyadda waxaanu iskugu keenay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkii XAQ-SOOR Md.Xasan Ciise Jaamac, waxa lagama maarmaan noqotay inaanu saxaafadda u sheegno inaanu labadayadaasi dhinac heshiinay oo is af-garanay. Waxaanu isku afgaranay xukuumadda qodobo muhiim ah oo mabdi’yan ah,”Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka XAQ-SOOR Mudane Cali Sandulle.

Si kastaba ha ahaatee, Illaa hadda ma sheegin qodobada la isku afgartay ama lagu heshiiyey, haseyeeshee waxay si guud u xuseen inay wada hadalkii mudada socday isku qanciyeen waxyaalihii jiray, isla markaana si wanaagsan ugu wada shaqayn doonaan danta qaranka.

Ururka XAQ-SOOR ayaa hore u sheegay in aanu ku qancin doorashadii golaha deegaanka ee bishii November, 2012 dalka ka qabsoontay, waxaanay mudaharaadyo ay dalka ka sameeyeen kaga dhintay dhawr qof, halka tiro badana ku dhaawacmay, haseyeeshee waa markii ugu horeeyey ee tan iyo sidii doorashadu u dhacday ay madaxweynaha iyo gudoomiyaha ururkaasi kulan iskugu yimaadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland