4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Kenya oo Qorsheynaysa inay Adeegsato Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn si ay isaga difaacdo Weerarrada Al-shabaab


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysay inay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto weerarada Al-shabaab kusoo qaadayso deegaanno ka tirsan dalkeeda, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

Madaxa ciidamada Kenya ee ilaalada xuduudaha, Patrick Ocheing ayaa ku tilmaamay arrintan mid sababi karta in shacabka Kenya ay helaan ammaan buuxa, lagana hortago weerarrada xuduudo ka tallowga ah ee ay geystaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

"Kenya waxa haysta dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah oo aan waligeed soo marin, waana arrin aan soo dhaweynayno in diyaaradahan la adeegsado si amniga loo adkeeyo," ayuu yiri Patrick oo warbaahinta la hadlayay, isagoo intaas ku daray: "Ma ahan oo kaliya in khatartu inay tahay mid laga fuliyo gudaha Kenya, balse waxay ka imaanaysaa Al-shabaab.”

Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011 waxay ka fulinayeen gudaha Kenya weerarro isugu jira kuwo toos ah, kuwo gaadmo ah iyo kuwo qaraxyo ah oo ay ku dileen dad badan oo isugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku noolaa deegaannada ay weerarradu ka dhacayeen.

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in diyaaradahan Drones-ka ay aad casri u yihiin ayna ku rakiban yihiin kambiyuutarro habeenkii wax lagu arki karo, si looga hortago kuwa khatarta ku ah ammaanka Kenya, iyagoo xusay in ciidamada Kenya la siiyay tababar ku saabsan adeegsiga diyaaradahan.

“Xuduud dhererkeedu yahay 800-km ayaan la leennahay Soomaaliya, inta badan waxaa kasoo gala kooxaha dhibaatooyinka geysta, diyaaradahan la doonayo in loo adeegsado ilaalinta xuduudahana waxay kaalmeynayaan ciidamadeenna,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Mureithi.

Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu yiri: "Waxaan rajaynaynaa in tiknolojiyadan ay la jaan-qaadi doonto wax ka qabashada khatarta ammaanka ee gobolka sababtoo ah diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ayaa ilaalin doona meelaha fog-fog ee ay kuwa koontarabaanka wada isticmaalaan iyo kuwa ammaanka wax u dhimaya isticmaalaan.”

Haddii Kenya ay u suurogasho arrintan waxay noqonaysaa waddankii ugu horreeyay oo ku yaalla Bariga Afrika oo isticmaala diyaaradaha aan lahayn duuliyaha si ay ammaanka dalkooda ugu sugaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya