4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay Ammaanka iyo Waxbarashada oo Maanta lagu qabtay Degmada Kaaraan ee Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) —  Kulan looga hadlayay ammaanka iyo waxbarashada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin maamulka gobolka ka tirsan, waana kulankii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmadaas.

Hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD oo soo qaban-qaabisay kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay dhallinyaro ka socday degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo muhiimada kulanka uu ahaa in dhallinyarada ay helaan waxbarasho, isla markaana ammaanka ka shaqeeyaan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Cali Calasow Xasan oo furay kulanka ayaa sheegay in dhallinyarada maanta ay leeyihiin mudnaan gaar ah, isagoo xusay in dhinac kasta looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan, sida amniga, waxbarashada iyo nadaafada, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay inay jiraan dhallinyaro kale oo fikrado qaldan aamisan, kuwaasoo jaray cid walba oo ehel u ahayd.

"Waxaan rabnaa inay dhallinyarada wax dhisaan oo ay u gudbaan horumar, waa laga gudbay dhibaato, dhallinyarada waa mustaqbalka berri, maanta ayay joogtaa inay dalkooda wax u qabtaan, mana ahan inay wax maalayacni mustaqbalkooda ku lumiyaan," ayuu yiri Cali Xasan Calasow.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in 22-kii sano meelaha dalka ka bur-buray ay ka mid ahayd waxbarashada, isla markaana waxaa la bedelay manjahkii waxbarashada dalka, iyadoo la keenay manaahij kale oo lasoo min-guuriyay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dhallinayaraa la barayo waxyaabo aanay dhaqan u laheyn, dalkoodana aanay ka garanayn.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha dhallinyarada degmada Kaaraan, C/kaafi Maxamuud Makaraan isagoo sheegay inay muhiim tahay in la diiwaan-geliyo iskuullada waxbarashada, si loo ogaado waxbarashada uu arkaydu qaadnayo, isagoo tilmaamay in guddiga dhallinyarada degmada ay sanduuq u furayaan sidii lacago ugu uruurin lahaayeen dhallinyarada aan heysan waxbarashada.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaashii kulanka ayaa min lix koox isu qaybiyay, iyagoo is-weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii waxbarashada dalka loo mideyn lahaa, isla markaana dhallinyarada ay u guntan lahaayeen ka qaybqaadashada amniga iyo horumarinta waxbarashada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya