4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Kulan looga Tashanayo Nabadeynta Gobollada dhexe ee Somalia oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Kulankan wadatashi ah oo la isugu keenay maamullada gobollada dhexe ee dalka oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha  CRD iyo FCA-Finland oo kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha hay’adda CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle oo hadal ka jeediyay furitaankii kulanka ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid ay maamullada gobollada dhexe uga tashanayaan aayahooda, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo maamul, isagoo sheegay in inta uu kulankan socdo la isku dhaafsan doono fikrado.

“Kulankan wuxuu socon doonaa saddex maalmood, maalinta ugu horreysa oo maanta ah waxaa looga hadli doonaa xaaladaha ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya, maalinta xigta oo berri ah waxaa looga hadli doonaa sidii maamulladu ay uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo sidii khayraadka gobolladaas ku duugan looga faa’iideysan lahaa, sidoo kale maalinta ugu dambeysa waxaa lasoo saari doonaa fikir guud oo lagu mideysan yahay, kaasoo loo gudbin doono hay’adaha deeqaha bixiya si gobollada dhexe looga saacido waxyaabaha ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kulankan uu yahay mid nabadeyn ah, laakiin uusan ahayn mid maamul lagu sameynayo, isagoo xusay in kulammo noocan oo kale ah loo qaban doono gobollada Koonfureed ee Soomaaliya sida Bay iyo Bakool.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamuud Cali oo kulanka furay ayaa isaguna sheegay inuu hay’adaha soo abaabulay kulankan uga mahadcelinayo, maadaama ay isku keeneen dhammaan maamulladii ka jiray gobollada dhexe ee dalka si ay uga tashadaan aayahooda.

“Dowladda Soomaaliya way soo dhaweynaysaa kulankan, waxayna diyaar u tahay inay gacan ka siiso maamullada gobollada dhexe wixii ay u baahan yihiin, go’aannada kasoo baxa kulankanna waan soo dhaweyn doonnaa,” ayuu yiri wasiir u dowlaha arrimaha gudaha.

Mas’uuliyiintii goobjooga ka ahaa kulankan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo, madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb, Maxamed Aadan Tiiceey, madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), mas’uuliyiin ka socday maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo xubno kale ayaa waxayna dhammaantood sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kulankan isku arkaan fikradana isku dhaafsadaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ajnabi ah oo furitaankiisa lagu casuumay, iyadoo kulankan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo loo qabto maamullada ka jira gobollada dhexe ee Soomaaliya.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya