4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Shi-rweynihii Ururka Guddiyada Qaran ee Olombikada Adduunka (ANOC) oo lagu soo gabagabeeyey Dalka Switzerland (SAWIRRO)


Axad, June 16, 2013(HOL)— Kulankaan oo socday laba maalmood 15  - 16 June ayaa waxaa looga hadlaayey qodobo dhawr ah oo ku saabsan taabagalinta iyo horumarinta olombikada wadamada addunka.  Waxaa goob joog ahaa 201 waddan oo ka mida 204ta waddan ee ururkan xubnaha ka ah.  Waxaan soo xaadirin wadamada Tuvalu iyo Liberia oo soo cudur daartay iyo India oo ganaaxan kadib markay dawladdoodu faragalin ku sameysay hab maamulka olombikada dalkaas.

 

Shirkan waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wafdi ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabbi iyo Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Faarax.

 

Waxaa kaloo kasoo qeyb  xiriirada caalamiga ee Isboortiga kala duwan iyo wufuud kasocota magaalooyinka kala marti galinaya cayaaraha kala duwan ee olombikada ee foodda inagu soo haya, sida kuwa xilliga kuleylaga (Summer Games) iyo kuwa xilliyada qaboobaha (Winter Games) oo dadka waaweyn iyo kuwa dhalinyaradaba..

 


Waxaa furay oo daadhinaayey shirka madaxa ururka Sheikh Ahmed Fahad Al-Sabah oo run ahaantii tan iyo markii loo doortay ANOC President sannadkii lasoo dhaafay isbeddel weyn oo horumar ah kusoo siyaadiyey ururka, waxyaabihii uu ballan qaadeyna muddo sannad ka yar ku dhameystiray.  Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa dhegeysashada warbixinada ka dib.

 

Dib uhabeyn lagu sameeyey dastuurka ururka, Ansixinta qaabka horumarineedka ururka iyo warbixinnada magaalooyinka kala qabanaaya tartamada soo aaddan oo kala ah Sochi Rusia oo mari galineysa 2014 winter Olympic Games.  Nanjing oo marti galineysa 2014 Youth Olympic Games. Rio de Janeiro oo marti galin doonta olympicada 2016.  PyeongChang Korea oo marti galin doonta Wnter Olympic games 2018 iyo sidoo kale Lillehammer oo lagu qaban doonoYouth Olympic winter games 2016.

 

Waxaa iyaguna soo bandhigay qorshahooda magaalooyinka ku tartamaaya iney marti galiyaan olympicada 2020ka oo kala aha Istanbul, Tokyo iyo Madrid. Kulankaan waxaa Somaliya uga qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Olympicada Somaliyed Cabdullahi Axmed Tarabi iyo Xoghayaha Guud Duran Axmed faarax.

 

Ugu dambeyntiina, kulammada sanadaha soo socda ee 2014 /15 iyo 16 waxay ka kala dhici doonaan Thailand, USA iyo Brazil..