3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Kalfadhigii 30-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garowe [SAWIRRO]


Sabti, Juun 15, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay kal-fadhigii 30-aad ee golaha wakiillada Puntland. Kal-fadhigan oo ay xildhibaanadu arimo dhowr ah ku eegi doonaan, waxaa si rasmi ah u furay madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Jen. C/samed Cali Shire.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi  oo isagu ugu horeyn xafladda furitaanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey ajendeyaasha ugu waaweyn ee ay xildhibaanadu fadhigoodan kaga doodi doonaan, wuxuuna xusay inay kamid yihiin: ansixinta hal gobol iyo degmooyin dhowr ah oo dhowaan la magacaabay, miisaaniyadda sanadka 2013 iyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah.

 

Mudane Xirsi ayaa dhinaca kale si kooban uga warbixiyey waxyaabihii uu golaha baarlamaanku ku ansixiyey fadhigoodii ka horeeyey kan maanta furmay, wuxuuna intaas raaciyey in mas'uuliyadda baarlamaanku ay tahay inuu meel mariyo wax walba oo ay dalka iyo dadkaba dani ugu jirto.

 


Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Jen. C/samed Cali Shire oo isna xarunta golaha wakiillada ee Garoowe khudbad dheer ka jeediyey, ayaa soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen: ammaanka Puntland, dastuurka dowladda federaalka iyo arinta ay todobaadyadii u danbeysye xiisadda siyaasadeedi ka aloosneyd ee maamulka Jubaland.

 

Ammaanka Puntland ayuu sheegy in uu aad u wanaagsan yahay, isagoo xusay in geedi-socodka dimuqraadiyaddu uu meel fiican marayo, doorashada goleyaasha deegaankuna ay dhowaan sidii loogu tala galay u qabsoomi doonto. Arintan Jubaland iyo dowladda Federaalka mar uu ka hadlayeyna wuxuu ugu baaqay maamulka iyo bulshada Jubbooyinku in ay midnimadooda dhowraan, dowladda federaalkana wuxuu ku booriyey in aysan carqaladeyn maamulka Jubaland ee dhowaanta la dhisay.

 

Fadhigan oo ah kii 30-aad ee ay isugu yimaadaan golaha wakiillada ee Puntland - tan iyo markii la asaasay maamulka Puntland sanadkii 1998- waxaa soo xaadiray 48-xildhibaan, waxaana ajendeyaashiisa ugu muhiimsan: miisaaniyadda, ansixinta gobolka Gardafuuy iyo dhismaha maxkamadda sare ee dastuuriga ah.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya













Click here
6/15/2013 4:52 PM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqortooyada UK, isla galabtanah khudbad ka jeediyey shirka hordhaca G8 oo looga hadlayey arrimaha canshuuraha, ganacsiga xorta ah iyo maamul wanaaga.

6/15/2013 4:21 PM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL)—Imtixaankan oo ay ka qayb qaadanayaan sida uu sheegay Isuduwaha gobolka Sool ee wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamuud Bisinle in 1163 arday oo isugu jira dugsi dhexe iyo dugsi sare.

6/15/2013 4:18 PM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL)—417 arday ayaa loogu qaybiyey raashin degmada Xuddun oo 83Km dhinaca waqaqooyi kaga beegan magaaladda Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

6/15/2013 11:05 AM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL)— Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan balaadhan ugu sameeyey Ardayda Dhagoolayaasha Somaliland ee wax ka barata dugsiyadda Dhagooleyaasha ee gobolladda.

6/15/2013 9:02 AM EST
Booliska soomaliyeed ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay hub aad u badan iyo waxyaabaha qarxa oo laga soo saaray meel dhulka hoostiisa ah oo ku taal degmada Hodan sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska.

6/15/2013 8:34 AM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL) :- Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose, kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

6/15/2013 7:46 AM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka dhacay kulan ay soo qabanqaabiyeen qaar ka tirsan madaxda gudiyadii shirkii maamul u sameynta Jubooyinka ee lagu soo doortay Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoonta ujeedada kulanku ahayd sidii loo heshiisiin lahaa beelaha dega Jubooyinka, waxaana sidoo kale halkaasi looga dhawaaqay guddi ka shaqeyn doona nabadda iyo xallinta dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Kismaayo.

6/15/2013 6:45 AM EST
Sabti, June 15, 2013(HOL)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006.

6/15/2013 2:04 AM EST
Sabti, Juun 15, 2013 (HOL) — Iskahorimaadyo kala duwan ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo mid ka mid ah uu u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.