4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow

Sabti, June 15, 2013(HOL) :- Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose, kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaano ku dhow Hoosingoow, iska-horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ay is-hortaag ku sameeyeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay isaga tagaan deegaanka Hoosingoow, waxayna arintaasi keentay in labada dhinac uu dhexmaro iska-horimaad xooggan.

Warar xog ogaal ah oo aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana iska horimaadkaasi ku nafwaayay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Afar askari ayaa iska horimaadkaasi ku dhimatay sida uu HOL u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka J/hoose.

Isgaarsiintii deegaanka Hoosingoow ayaa hawada laga saaray, Ilaa imikana ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac mana jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo faahfaahin ka bixiyay arintaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ay soo gaareen ciidamo ka socda dowladda Siera Leone kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.


…………………
Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.