4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway


Sabti, June 15, 2013(HOL)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  (Saacid) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006.

 

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kulankii uu la qaatay uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dowladdu ka samaysay dhanka xuquuqul insaanka, dowlad wanaaga iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

 

 “Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana ka wada hadalnay sidii dawladda gacab looga siin lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo dawlad wanaaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

 


Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norwey ayaa sheegay in Soomaaliya uu yimid dhowr jeer, maantana ay ka muuqato Muqdisho isbadal badan oo dhan kasta ah oo ay sameysay dawladda Soomaaliya,

 

“Sanadkii 2005 ayaa ka dagay xilka R.Wasaaraha Norway, waxaana u jeestay inaan ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka, xafiikaygu wuxuu  u qoondeeyey barnaamijyo lagu hormarinayo baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay R. Wasaaare Saacid sidii aan taageero u siin lahayn xafiiskiisa iyo golaha wasiirada. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway

 

Masuulkaan ayaa sidoo kale sheegay in uu dawladda Soomaaliya kala shaqayn doono baahinta maamul wanaagga, federaalisamka, iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo mar kastana la dhowrayo shuruucda dalka u degsan, waxayna xaruntiisu xariir wada shaqyn ah la leedahay Carter Center oo uu gudoomiye ka yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter.

 

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya