4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
DR. JAMAAL BARROW: "Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa inuu ansixiyo Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda” (SAWIRRO)


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta ka hor akhriyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya sharciga shaqada arrimaha dibadda (Foreign Service Low), kaasoo wasaaraddu ay diyaarisay ayna doonayso inay dib ugu habeyso hab-raaca diblomaasiyadeed oo lagu xilliyeynayo diblomaasiyadda iyo habka shaqo iyo shaqaalaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda.

Dr. Jamaal Barrow ayaa waxa uu yiri: “Waxaan ka codsaneynaa xubnaha sharafta leh ee baarlamaanka inay ansixiyaan sharcigan oo suurogelin doona dib-u-habeynta safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaaliya ay dibadda ku leedahay, sidoo kalena kala hagi doona shaqooyinka howl-wadeennada kala duwan ee dibadda, suura-galna ka dhigaya in xilalka diblomaasiyadeed loo magacaabo dad xirfad-yaqaanno ah, una tababaran  si loo raad-raaco ballan-qaadyada iyo hishiisyada ay la saxiixato dowladdeena dowladaha iyo ururada caalamka, waxayna taasi horseedi doontaa in sare u kac uu ku yimaado sumcadda muwaadinka Soomaaliyeed, “ ayuu wasiir ku xigeenku ka jeediyay maanta baarlamaanka Soomaaliya hortiisa.

Wasiir ku-xigeenka wuxuu kaloo sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo lixdii bilood ee ugu dambeysay guulo wax ku ool ah ka gaartay hannaanka siyaasadda dibadda ay baalamaanka ka filayso inuu ansixiyo sharcigan.

“Sharcigan wuxuu kaloo suurogal ka dhigayaa in in qarashaadka lacageed ee ay soo xareeyaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaaliya ay dibadda ku leedahay ay la wareegto wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta, taasoo qeyb ka noqon doonta daqliga qaranka ee lagu jaan-gooyo miisaaniyadda,” ayuu Dr. Baroow mar kale yiri.

Xildhibaannada baarlamaanka oo fadhigooda maanta uu shir-gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mahad Cabdalla Cawad ayaa su’aalo kala duwan weydiiyeen wasiir ku-xigeenka kuwaasoo ku saabsan sharcigan ay soo gudbisay wasaaradda, isagoo saraaxad ka siiyay xildhibaannada habka ay u soo diyaariyeen sharcigan.

Kulankan ayaa waxaa ku sugnaa sharciyaqaanno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo sharcigan uu ka mid noqonayo sharciyo ay wasaaradaha dowladdu u gudbiyeen baarlamaanka.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa saddex hid-sharciyeed oo ku saabsanaa hab-raaca maamul u sameynta dalka, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sharciga xadeynta xuduudaha waxaa u gudbiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, kaasoo baarlamaanku ay ka doodi doonaan daba-yaaqada toddobaadkan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya