4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dalka Ingiriiska Uga Qayb-galaya Munaasabado lagu soo guryo noqonayo (SAWIRRO)


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo oo laba toddobaad ku maqnaa dalka ingiriiska ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Saylici oo ka soo degay madaarka Berbera waxa madaarka kaga hortagay Wasiirka madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Awdal, Maayar Ku xigeenka Boorame iyo Maamulka Gobolka Saaxil iyo dadweyne kale oo si balaadhan usoo dhaweeyey madaxweynaha.

Md. C/Raxmaan Saylici, ayaa sheegay inuu ka qaybgalay munaasibado badan oo loo sameeyey laba iyo labaatan guuradii ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay inay Somaliland gaarkeedda u istaagtay, waxaanu sheegay inuu dhawr magaalo oo ku yaalla dalka Ingiriiska uu ka qaybgalay munaasibaddo lagu xusayey 18 may iyo munaasibaddo isaga lagu soo dhoweenayeyba, waxaanu xusay inay Inigiriisku yahy meesha jaaliyada ugu badani ee Somaliland joogaan, sidaa darteed uu door biday inuu farxada ula qaybsaddo.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey xubno wasiiro ah oo la socday kuwaas oo magaalooyin kale oo munaasibadahani ka dhacayeen kala qaybgalay.

Sanadkan ayaa wefti kala duwan loo kala diray magaalooyin kala duwan oo dunida ah oo lagu xusayey 18 May oo sanadkan si weyn looga xusay dunida daafaheedda.








Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland