4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Baydhabo oo Shaacisay in Haween badan oo barakacayaal ah lagu kufsaday Baydhabo

Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Guddoomiyha ururka haweenka ee degmada Baydhabo, Xaawo Sokoreey ayaa ka warbixisay maanta Haween tacadi kufsi loogu geystay xerooyinka barakacyaasha Baydhabo, waxay sheegtey in la kufsaday haween tiradoodu gaarayso 12 haween ah, qaarkood waxaa lagu kufsaday xero ay ku jiraan dadka soo barakacay oo lagu magacaabo IDAALE.

Xaawo Sokoreey waxay warbaahinta ku sheegtey inay hayso magacyada iyo sawirrada haweenka la kufsaday, haddana qaarkood caafimaad ahaan aysan wanaagsanayn oo ay gacanta ay ku hayaan, laguna daweynayo isbitaallo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa kufsiga haweenka loo geystay ka hadlay Col. Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha qaybta booliska ee gobalka Bay, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay kufsadeen tiro haween ah oo ku sugan Baydhabo, sidoo kalena waxaa isla arrintan ka hadlay guddoomiyaha gobolka degmada Baydhabo, Xasan Macallin Biikole.

Labada mas’uul waxay warbixintaas oo ay siiyeen VOA-da iyo idaacadaha Baydhabo ku sheegeen in falalkan ay yihiin kuwo aad looga naxo oo aan loo dulqaadan karin, balse waxaa maanta arrintaas xaqiijisay guddoomiyaha ururka haweenka Baydhabo, Xaawo Sokoreey iyadoo ilmaynaysay.

“Ciddii wax ka qabanaysa arrintan sida hay’adaha xaquuqal insaanka ay u hayso wax muuqda oo ay tusi karto haweenkaas tacadiga loo geystay ee ku nool xerooyinka barakacyaasha Baydhabo,” ayay Xaawo u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta.

Waxaa kaloo la sheegayaa in askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu kufsi u geystay gabar 14-jir ah oo ka timid tuulo la yiraahdo Boonkaay oo si weyn looga yaqaan qoyskeeda magaalada Baydhabo.

Gabadhaas ayaa la sheegay inay la il-daran tahay xanuunkii kufsigaas kasoo gaaray; waxaana kufsigan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ciidamada AMISOM ay ka geysteen gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo