4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Jabaan kula kulmay Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Kenya (SAWIRRO)


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka qaybgalaya shirka (TICAD V) ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa kulammo gooni-gooni ah kula yeeshay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya, madaxa bankiga adduunka, madaxa UNICEF iyo xubno kale.

Magaalada Yokohama ayaa waxaa maanta Sabti ah ka furmay shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta Qaaradda Afrika kaasoo oo ay madaxda dalalka Afrika ka qayb-galayeen.

Shirkan ayaa dowladda Japan shanti sanaba mar u qabataa dalalka Afrika iyadoo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeewya Afrika iyo Japan.

Kulankii ay yeesheen madaxweynaha Somalia iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto waxay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, Kismaayo iyo arrimaha amniga.

Labada mas’uul ayaa si wanaagsan isagu af-gartay dhammaan arrimihii ay kawada hadleen, iyagoo isku raacay in shir caalami ah lagu qabto Nairobi oo ay labada dowladood iyo Qaramada Midoobay ay shir-guddoominayaan kaas oo looga hadli doono sidii qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo Ruto waxay kawada hadleen arrinta Kismaayo oo labada wasiir arrimo dibadeed ee labada dal ay hadda uga hadlayaan magaalada Nairobi si ay isula meel dhigaan arrimaha amniga xuduudaha.

Wasiirrada Fowzia Yuusuf iyo Amina Maxamed ayaa maanta shir jar’aaid ku wada qabtay Nairobi soona bandhigay in labada dowladood ay isku raaceen in guddi wadajir ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii arrimaha amniga soohdinta labada dalka loogu heli lahaa xal waara, loona xoojiyo xiriirka labada dal.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa la rajeynayaa inay dhawaan yeeshaan kulammo lagu xoojinayo kulamadoodii ay horay ugu yeesheen magaalooyinka Addis Ababa, Itoobiya iyo Mombasa , Kenya.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulan kale la yeeshay madaxa bankiga adduunka, Jim Yong Kim oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii bankiga adduunka uu Soomaaliya uga saacidi lahaa maamulka iyo maareynta maaliyadda, sidii Soomaaliya deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan mashaariic horumarineed oo uu bankiga adduunka hirgeliyo. 

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh waxuu kulan la qaatay, Anthony Lake oo ah madaxa hay’adda UNICEF iyo Erthurin Cousin oo ah madaxa WFP, isagoo kala hadlay sidii hay’adahaas ay toos ula shaqeyn lahaayeen qaybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya