4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Ciidamada Canshuuraha Ururiya ee Dowladda Somalia oo Dhibaatooyin kala kulma Ganacsatada xilliga Canshuur Ururinta

Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqyada Muqdisho ayaa intii ay Al-shabaab ka talinaysay qaybo ka mid ah Muqdisho waxay lacagaha ay weydiistaan ku dhiibi jireen si khasab ah, laakiinse hadda uma dhego-furna inay dhiibaan lacagaha canshuuraha ah ee dowalddu ay ku soo rogtay, sida uu sheegay sakaal ka tirsan dowladda hoose ee Soomaaliya.

Ururinta canshuuraha ayaa lagu sheegay inay tahay midda ugu khatarta badan howlaha laga qabto Muqdisho, iyadoo shan ka mid ah ciidamada qaada canshuuraha la dilay sannadkan oo keliya, halka sannadkii hore oo keliya la dilay 10 ka mid ah ciidamada canshuuraha, sida uu sheegay madaxa ciidamada dowladda hoose ee Muqdihso, Cabdullaahi Cartan oo la hadlay AP.

“Meelaha qaarkood, haddii aad damacdo inaad ka shaqeyso adigoo aan wax ilaalo ah wadan waxaad ku dhacaysaa khatar,” ayuu yiri Cali Xaaji oo ka mid ah ciidamada ururaya canshuuraha. Isagoo intaas raaciyay, “Qaar ka mid ah saaxiibbadeen ayaa loo dilay howlahooda dartood. Dad badanna waxaa muuqata inaysan jecelayn howsheenna.”

Bulshada Soomaalida qaarkood ayaa rumeysan in canshuuraha ay yihiin kuwo ku dhacaya jeebab shaqsiyadeed, halka kuwo kalena ay u arkaan mid lagu dhisayo isbitaallada iyo iskuullada. Iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha dalka kasoo gala, marka laga reebo dhaqaale yar oo ay ka hesho caalamka.

Inta badan ganacsatada ayaa la sheegay inay iska dhego-tiraan markii la weydiiyo canshuuraha, iyagoo qaarkood ku oranaya askarta canshuurta qaadaya sidii aan saakay u furay goobta ganacsi ayaan weli ku jooga mana helin wax lacag ah.

“Anigu wax lacag ah ma helin tan iyo markii aan saakay furay ganacsigayga, sidaa daraadeed maba hayo lacag aan bixiyo,” ayay haweeney ganacsato ah ku tiri askari canshuuraha qaadayay. Taasoo askartii ka yaabisay.

Sannadihii u dhexeeyay 2006 illaa 2011 oo ay xoogagga Al-shabaab gacanta ku haysay Muqdisho waxay ganacsatada ka qaadi jireen lacago kala duwan; iyagoo si fudud ku dhiibi jiray. Laakiin markii Al-shabaab laga saaray August, 2011 ayay ganacsatada waxay kasoo horjeesteen bixinta canshuuraha ay ku soo rogtay dowladda.

“Waxay ii tixgeliyaan inaan ahay burcad. Mana doonayaan inay canshuurta bixiyaan,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ka mid ah canshuur qaade dowladda ka tirsan, isagoo sidoo kalena qaylo-dhaan ka muujiyay lacagta shillinka Soomaaliya oo uu Nuur ku sheegay inay tahay mid aad u culus.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo shalay lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho laba askari oo ka tirsan kuwa canshuuraha, waxanaa dilkaas geystay kooxo bastoolado ku hubeysan oo markiiba goobta ka baxsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya