4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Sarrifka lacagta Doolarka oo si weyn hoos uga dhacay suuqyada Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Kadib jahwareer ganacsi  oo sadaxdii cisho ee la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Baladweyne ayaa mar kaliya galinkii danbe ee maanta waxaa hoos u dhac weyn ku yimid sarifka doolarka, kadib markii leyska diiday isticmaalka iyo ku ganacsiga lacago la sheegay in ay been abuur yihiin oo lagu farsameeyo qeybo ka mid ah gobollada dhexe.

Galinkii danbe ee maanta ayaa suuqa sarifka magaaalada Baladweyne oo ay HOL booqatay waxaa lagu kala sarifanayay $ 100 doolar lacag dhan 1,900, 000 oo Shilin Soomaali ah halka maalin ka hor $ 100 doolar lagu kala sarifanayay magaalada Baladweyne lacag  dhan 3,900,000 oo Shilin Somali ah, waxaana halkaa ka muuqanaya hoos u dhaca weyn ee ku yimid.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa kadib markii ay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya guddiga ganacsatada dadaal xoog leh u galleen sidii loo joojin lahaa lacagaha been abuurka ah oo sicir barar ku keenay ganacsiga magaalada.

Lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee maanta lagu kala sarifanayay doolarka ayaa ahaa lacagtii hore ee guud ahaanba ka socta qeybaha kala duwan ee dalka gaar ahaa magaalada Muqdisho.

Magaalada ayaa maanta lagu arkayay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan oo siweyn ugu kuur-galayay fulinta amarka uu maamulka ku bixiyay joojinta lacagaha been abuurka ah, iyaga oo xabsiga dhigay xubno sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada ku howlanaa socodsiinta lacagta la mamnuucay.

Gellinkii dambe ee maanta ayaa waxaa si toos ah u furmay guud ahaan goobaha ganacsiga magaalada oo xirnaa xiliyadii hore ee maanta, kadib markii uu maamulku amar ku bixiyay in la furo goobaha ganacsiga howluhuna si caad ah u socdaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa horay u sheegay in marnab aqbali doonin in magaalada laga isticmaalo lacag sida uu sheegay ama hadalka u dhigay guddoomiyaha la doonayo in bulshada lagu dhaco.

''Wax faa'iido ah uma laha nolasha bulshada ku dhaqan gobolka, gaar ahaan magaalada Baladweyne, si gaar ah lacagtan been abuurka ah waxaa ay dhaawac weyn ku tahay nolasha bulshada danyarta ah, maamulkana waxaa uu mas'uul ka yahay una adeegaa shacabka, sidaa daraadeed cid kasta oo lagu hello lacagtan sharciga ayaan la tiigsan doonaa,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay isbadalka ku yimid sarifka doolarka, iyaga oo rajo ka qabo in sidoo kale uu hoos u dhaco qiimaha la kala siisto maciishada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya